Tababar Ku Saabsan Tayada Waxbarashada Dugsiyada deegaanka Oo Ka furmay Jigjiga.

Jigjiga (estvlive) 16/11/2017

Waxaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha  shirarka ee nogob huteel tababar uu soo diyaariyay xafiiska waxbarashada DDSI oo ku saabsan daraasaad ku salaysan tayada waxbarashada dugsiyada deegaanka kaasi oo loo qabtay maamulayaasha iyo macalimiinta dugsiyada 6da maamul magaalo iyo 12 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka.

Waxaana furitaankii tababarkan ka hadlay waiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan wuxuuna sheegay in uu yahay hirgalinta wareegii 5aad ee tababarka noocan oo kale ah. kaasi oo ku salaysan  daraasaad kor loogu qaadayo tayada waxbarashada dugsiyada deegaanka. wasiir-kuxigeenka ayaa tilmaamay in si gaar ah diirada loogu saarayo maadooyinka xisaabta, fiisigiska, afsoomaliga iyo cilmiga deegaanka wuxuuna wasiir ku xigeenku ku booriyay xubnahan tababarka loo furay in ay mudada uu socdo tababarku ka faa’iidaystaan cashirada lagu bixinayo si looga midho dhaliyo ujeedada tababarka.

Tababakran ayaa socon doona muddo 5 maalmood ah waxaana cashiradiisa bixinaya khabiiro ka socda xafiiska waxbarashada DDSI.

Comments are closed