DAAWO: Jigjiga oo lagu Qabtay Kulan Diyaar-garaw Tirikoobka Heer Qaran dhawaan Dhici Doona

Jigjiga (estvlive) 17/11/2017

 

Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen maamulada gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka oo ay ujeedadiisu ahayd udiyaar garawga tirikoobka 2010 TI islamarkaana bilaami doona bisha yeketiit ee sanadan 2010 TI ayaa ka qabsoomay madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan.

Hadaba kulankan ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay inuu kulan ujeedadiisu yahay sidaynu oogu diyaargaroobi lahayn tirikoobka 2010 TI oo xiligii la samayn lahaa deegaanku ku dhufatay abaar ba’an islamarkaana aysan bulshadu ku sugnayn goobahoodii. waxaynu madaxwayne kuxigeenku intaa ku dartay in shaqaalaha samayn doona tirikoobka lagasoo kala xulidoona xafiisyada horumarinta sida xafiiska waxbarashada oo lagasoo xuli doono 50% xirfadlayaasha shaqaalaha xafiiska horumarinta beeraha oo 25% ah iyo shaqaalaha xafiiska caafimaadka oo kaga qayb qaadan doona 25%.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadalay mas’uulka komishanka tirikoobka dalka laantiisa jigjiga mudane Nuguse Shimelis oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay nidaamka uu udhici doono tirikoobka isagoo sheegay inay hada loo baahan yahay oo kali ah sooxulidii xubnaha samayn lahaa tirikoobkan.
Sidoo kale maamuladan ayaa loosoo jeediyay tababar fariin ah oo uu soo diyaariyay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah laantiisa damaanaqadka cuntada iyada oo uu ku saabsanaa sidii fahan buuxa looga siinlahaa barnaamijka shabakada badbaadada cuntada wajigiisa 4aad waxaana kawarbixiyay agaasinka damaanaqaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay in maamulka degmooyinka iyo maamul magaalooyinka looga baahanyahay inay ilaaliyaan nidaamka lacag bixinta loo siiyo kafaaiidaystayasha barnaamijka PSNP oo ka hawlgala 46 degmo oo deegaanka ah islamarkaana wakhtigoodii lagu siiyo iyo waliba nidaamka raashinka loo siiyo kafaaiidaystayaasha . wuxuuna intaa kudaray in sidoo kale la ilaaliyo qaabka loosoo xulayo bulshada kafaaiidaystayaasha ah.

dhanka kale waxaa isana ka hadlay iskuxidhaha barnaamijka PSNP ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane axmednuur cabdi oo isana kawarbixiyay kulankan maamulada ayaa kula dardaarmay in la xoojiyo qiimaynta iyo dabagalka shaqooyinka ku dhamaan goobaha uu ka hawlgalo barnaamijku si uu uhirgalo qorshaha barnaamijka bulshada uga faaiidaystaan.

Comments are closed