Dowladda Soomaaliya oo u digtay dad la sheegay in ay faafiyaan warar Amniga ka dhan ah

Muqdisho (estvlive) 17/11/2017

Wasiirka Wasaarrada Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa digniin u diray dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in la qal qal geliyo ammaanka dalka iyo in been laga sheego hay’ddaha ammaanka.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in Wasiirka amniga uu golaha wasiirada ka hor sheegay in si adag loola xisaabtamayo dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah iyo kuwa amniga dalka lagu qal qal gelinaya.

Gollaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maalintii shalay soo bandhigay magacyada 29 qof oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Comments are closed