Hubaal la’aan wali ka jirta dalka Zimbabwe iyo Mugabe oo diiday in uu xukunka ka dego

Zimbabwe (estvlive) 17/11/2017

Dadka reer Zimbabwe ayaa rajo ka qaba in xal deg deg ah laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed ee uu dalkooda ku jiro, xilli ay mucaaradka, ururada bulshada rayidka ah iyo hogaamiyaasha diinta ku cadaadinayaan madaxweyne Robert Mugabe inuu xilka iska cazilo.

Warar soo baxay Khamiistii ayaa sheegayay in Mugabe uu ka biyo diiday in uu xakunka wareejiyo, kaddib markii loo soo jeediyay arintaan iyada ah.

Madaxweynaha South Africa Jacob Zuma oo ay Dowladiisu dhexdhexaadinayso Milatariga dalka afganbiyay iyo Robert Mugabe ayaa sheegay inaysan muuqan xal deg deg ah oo laga gaaro xaaladda Zimbabwe.

Milatariga Zimbabwe ayaa talada dalka la wareegay Talaadadi, waxana ay u muuqataa in ay soo afjarayaan ku dhawaad 40 sano oo uu dalkaasi xakumayay madaxweyne Robert Mugabe oo hadda ah 93 jir.

VOA

Comments are closed