Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ku wadahadlaya magaalada Nairobi

Nairobi (estvlive) 18/11/2017

Wadahadal ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga furmo mas’uuliyiinta ugu sareysa maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo ka wada arrimiya deegaanno ka tirsan gobollada bartamaha Soomaaliya,

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo hoggaamiyaha maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maalin ka hor gaaray magaalada Nairobi.

Wadahadalladan ayaa noqonaya kuwo bilow ah , iyadoo wajiga labaad ee wadahadalka uu dhamaadka bishan ka dhici doono magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka ayaa horaantii sanadkan ku guuldareystay inay heshiis kala dhex dhigto labada dhinac, waxaana wada hadalo ka dhacay Muqdisho uu ku soo dhamaaday is faham waa.

Wadahadalka ay Garwadeenka ka tahay Urur Galbeedka IGAD si loo dhameeyo khilaafka muddada dheer soo jiray ee labada dhinac.

Comments are closed