DAAWO: Jaaliyadda DDSI Ee Sweden 1-Milyan oo Birr oo Ugu Deeqday Barakacayaasha DDSI

Jigjiga (estvlive) 19/11/2017

 

Qurbajoogta u dhalatay deegaanka Somalida Itoobiya gaar ahaan jaaliyadda Sweden ayaa 1-Miliyan Birr ugu deeqay barakacayaasha ee ka soo barakacay deegaanka Oromiya.

Waxeyna soo wakiisheen Jaaliyadda Mudane Cabdirisaaq Cabdulaahi Sh Biixi oo gudoonsiyay lacagtan ay ugu deeqeen Jaaliyadda Sweden gudoomiyaha gudiga barakacayaasha ee ganacsatada deegaanka ah mudane khadar macalin cali ayna ku wehlinayeen garaad kulmiye garaad maxamuud dool iyo Cabdikariin qalinle.

Waxaana wareejintaasi kadib ka hadlay Mudane Cabdirisaaq oo ah wakiilka matalayay jaaliyadda Sweden ee lacagta 1-milyan ugu deeqay barakacayaasha ka soo barakacay deegaanka Oromada wuxuuna warbaahinta u sheegay in ka jaaliyad ahaan ay garab taagan yihiin shacabkooda ka soo barakacay deegaanka Oromada

Waxaa kaloo halkaasi Gudoomiyaha Barakacayaasha Mudane Khadar Macalin ayaa uga mahadnaqay Jaaliyadda DDSi ee Sweden muwaadinimada ay muujiyeen iyo sida ay u barbar taagan yihiin shacabkooda soo barakacay.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay garaad kulmiye garaad maxamuud dool ayaa sidoo kale tilmaamay in qurbajoogta u dhalatay deegaanka Itoobiya Gaar ahaan Jaaliyadda DDSi ee Sweden ay muujiyeen midnmo ayna hormuud u noqqnayaan jaaliyaddaha kale ee Qurbajoogta.

Ugu dambeyntii mana ahan markii ugu horeysay ee qurbajoogta ay ugu deeqaan barakacayaasha ee ka soo barakacay deegaanka oromda xukuumada ayaa waxey dib u dajin u sameysay barakacayaashaasi.

Comments are closed