Kulan Kusaabsan Mashruuca ONE-WASH Oo Kaqabsoomay Magaalada jigjiga

Jigjiga (estvlive) 20/11/2017

Tababar uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana lagaga wada hadlayay Mashruuca koruqaadista faayodhawrka iyo helitaanka biyaha nadiifta ah ee loo yaqaano (ONE-WASH Program) kaasoo lagu soo bandhigayay warbixinta waxqabadkii qorshihii sanadkii tagay ee 2009 T.I iyo waliba  rubaca koobaad ee qorshahan 2010 T.I. iyadoo ay Kulankana kasooqaybgaleen  madax-xafiiseedyada waxbarashada ee 28 degmo oo uu kahawlagalo mashruucan ONE-WASH

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo sheegay in kulankani yahay kulan (review meeting) islamarkaana lagaga wada hadlayo waxqabadkii qorshaha Mashruuca koruqaadista faayodhawrka iyo helitaanka biyaha nadiifta ah ee looyaqaano (ONE-WASH) kaasoo ka hawlagala 28 degmo oo deegaanka ah waxna ka qabta adeegyada aasaasiga ah oo ay waxabarashadu kamid tahay Iyadoo kulankana ay fadhiyaan dhamaan madax xafiiseedyada xafiiska waxabarashada ee 28 degmo ee uu kahawlgalo mashruucu. Wuxuuna intaa kudaray in madax xafiiseedkasta uu soo bandhigayo warbixinta  waxqabadakii 2009 T.I iyo waliba rubaca 1aad ee sanadkan 2010 T.I wuxuuna xusay in sidookale kulankan lagaga wada hadli doono waxa qabsoomay, waxa’aan qabsoomin iyo sababta aysan u qabsoomin. Waxaana laga doodi doonaa tayada mashaariicaha laga fuliyay degmooyinka.

Dhankakale, wasiir-kuxigeenka ayaa tilmaamay in sifiican loo lafaguri doono fulinta  qorshahan 2010 T.I  iyo sidii looga gaashaaman lahaa cashiradii ama gal dalooladii laga bartay fulinta qorshihii hore ee 2009T.I

Ugudanbayna, madax afiiseedyadii kasooqaybgalay shirkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kulankan loo qabatay ee lagaga wada hadlayo qorshayaashii iyo waxqabadkii 28 degmo ee uu ka hawlgalo ONE-WASH gaarahaan  xafiiska waxabarashada ee degmooyinka.

Comments are closed