Kulankii Qiimaynta Dib u eegida 2dii rubac ee lasoo dhaafay ee Barnaamijka PSNP Oo Ka Furmay Jigjiga

Jigjiga (estvlive) 20/11/2017

Shirkii qiimaynta dib u eegida labadii rubac ee lasoo dhaafay  iyo  qiimayntii waxqabadka 5ta qaybood ee uu barnaamijka  PSNP  ka koobanyahay oo labadii sano iyo badhkiiba mar laqabto oo ay kasoo qaybgaleen madax xafisedada xafiiska beeraha, madax xafisedada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee  46 degmo uu mashruucu ka howlgala, xafiisyada bahwadaagta ah,  Hay’adaha deeqbixiyayaasha, Xubno ka socday wasaarada horumarinta beeraha JDFI hay’ada WFP,  howl wadeenada barnaamijka  PSNP ee heer deegaan iyo heer degmo ayaa si heer sare ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta  DDSI.

Hadaba, shirkan qiimaynta dibi u eegida  labadii rubac ee lasoo dhaafay oo uu wehelinayo qiimayntii waxqabadki 5ta qaybood ee barnaamijku ka koobanyahay oo labadii sano iyo badhkiiba mar laqabto ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna  wasiirka xafiiska horumarinta,Beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax  oo sheegtay inuu shirkani yahay shirkii qiimayta dib u eegida labadii rubac ee lasoo dhaafay  oo uu wehelinayo qiimayntii waxqabadki 5ta qaybood ee barnaamijka PSNP  ka koobanyahay oo labadii sano iyo badhkiiba mar laqabto kasoo lagu qiimaynayo mashaariicihii iyo waxqabadkii shaqo ee uu mashruucu fulinayay sida uu qabsoomay iyo hadii uuna qabsoomin sababta uu u qabsoomi waayay. Madaxwayne kuxigeenka ayaana intaa ku dartay in hadii ay jiraan caqabado soo wajahay mashruuca labadii sano iyo badhkii ugu danbeeyay la soo dhigo iyo in sidaa lagusii wada doona oo aysan wax caqabad ahi aysan jirin.

Sidookale, waxaa isna dhankiisa ka hadlay Agaasinka waaxada damaanad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay inuu shirkani yahay  qiimaynta dib u eegida labadii rubac ee lasoo dhaafay  oo uu wehelinayo qiimayntii waxqabadki 5ta qaybood ee barnaamijku ka koobanyahay oo labadii sano iyo badhkiiba mar laqabto, Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in qiimayntan kuwii hore kaga duwantahay  iyadoo iskusoo aadeen laba qiimayn oo kaladuwan oo kala ah qiimayntii waxqabadki 5ta qaybood ee barnaamijku ka koobanyahay oo labadii sano iyo badhkiiba mar laqabto iyo qiimayntii dib u eegida labadii rubac ee lasoo dhaafay islamarkaana lagu lafa guri doono qaabshaqeedkii mashruuca sida uu qabsoomay iyo hadii ay dhaliila jiraan sidii loo sixi lahaa looga gudbi lahaa.

Ugu danbayna waxaa Dhankiisa  ka hadalay  oo  si qoto dheer usoo jeediyay waxqabadka mashruuca PSNP iskuxidhaha mashruuca PSNP ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga mudane AxmedNuur Cabdi oo si faahfaahsan usoo jeediyay waxqabadkii 2dii rubac ee lasoo dhaafay iyo waxqabadki 5ta qaybood ee barnaamijku ka koobanyahay ee  labadii sano iyo badhkii ugu danbeeyay ,isagoo intaa ku daray inuu shirku socondoona muda 5 cisho ah islamarkaana ay degmo walba soo dhigi doonto waxqabadkeedii mashruuca PNSP qaybtiisa 4aad.

Comments are closed