Madaxweynaha Puntland Oo u Ambabaxay Dalka Ethiopia

Garoowe (estvlive) 20/11/2017

Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti  uu Hogaaminayo ayaa  u ambabaxay Caasimadda Ethiopia ee Adis-ababa, halkaasi oo ay uga bilaaban doonto socdaal shaqo oo 5 maalmood ah

Madaxweynaha oo garoonka diyaaradaha ee Garoowe ay kusii sagootiyeen Madaxweyne ku-Xigeenka  Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiisha ciidamadda, waxaa uu sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay la xiriirto arrimaha ammaanka, Ganacsiga iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya.

“waxaan saaka u safraynaa aniga iyo weftigayguba magaalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia oo aan ku tegi doono socdaal muddo shan cisho ah oo ah safar shaqo, kaas oo aanu rabno inaanu dawladda Ethiopia kala soo xaajoono hawlo badan oo la xidhiidha dhanka Amniga, Ganacsiga iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Sidoo kale wuxuu xusay inuu kulamo la qaadan doono madaxda Ethiopia, uuna ka rajaynayo inuu safarkoodu kuso dhammaado Guul.

Comments are closed