Maxkamada Sare ee Kenya oo Ansixisay Guushii Doorashada Uhuru Kenyatta
Kenya (estvlive) 20/11/2017
Maxkamada Sare ee dalka Kenya ayaa saaka oo Isniin ah ku dhawaaqday in si sharci ah u dhacday Doorashadii kuceliska ahayd 26kii Oktoober ee uu ku guuleystay Madaxweynaha xilka haya Uhuru Kenyatta.
Guddoomiyaha Maxkamada Sare David Maraga ayaa ku dhawaaqay Go’aankan Sida weyn loo sugayey.
Go’aanka maxkamada ayaa wadada u xaaraya in la qabto munaasabada caleemo saarka Madaxweyne Kenyatta oo loo dhaarin doono markii labaad xilkaasi.
Maxkamada Sare ayaa horey u laalshay natiijadii Doorashadii Madaxweynaha ee dhacday 8dii bishii Agoosto oo uu ku guuleystay 54% Madaxweyne Kenyatta, iyadoo la sheegay in xiligaasi ay dhaceen khaladaad la xariira qaabka tirinta cododka iyo isgaarsiinta ay isticmaalayeen guddiga doorashooyinka.
Doorashadii ku celiska ahayd ee dhacday 26kii Oktoober ayey qaadaceen inay ka qeyb galaan mucaaridka waxaana si fudud ugu guuleystay Madaxweyne Uhuru Kenayatta oo helay in ka badan 98% cododka.
Comments are closed