Mudaaharaad Mar kale ka dhacay Boosaaso

Boosaaso (estvlive) 20/11/2017

Maalintii Axadda iyo maanta oo Isniin ah ayaa mudaaharaad ka dhacay xarunta gacansiga Puntand ee Bosaso. Mudaaharadkan waxaa ka qaybqaatey haweenka  haysta ganacsiga yaryar kuwaas oo ka cabanaya xaaladda cakiran ee ka taagan dekadda Bosaso.

Mudaaharadkan ay dhigeen haweenka Boosaaso ayaa ka duwanaa kuwii hore waxaana uu ahaa Mudaaharad   nabadeed, oo ay ku muujinayaan cabashadooda, waxay la socodsiiyeen maamulka, waxaana hareeraha ka socdey ciidanka amaanka  Puntland. Haweenka ayaa watey boorar iyo maryo ay ku soo  dhigeen halkudhigyo ay uga soo horjeedaan sida haatan dekadda Bosaso u shaqeyso, canshuur kordhinta, khidmadda dekadda ee la kordhiyey iyo ganacsatada waaweyn ee ku goodinaya in ay sicirka iibka kor u qaadayaan.

Haweenka Mudaaharadka dhigey ayaa ka bilaabey goobaha ay ku ganacsadaan ee Suuqa, kadibna waxay socod ku mareen wadada dheer ee laamiga ah, waxaana qorshohoodu yahay in ay isugu tagaan banaanka hore ee dekadda.

Qaar kamid ah Ganacsatada iyo maamulka ayaa la filayaa inay ku heshiiyaan in  kor loo qaado canshuurta alaabo gaar ah kuwaas oo kor u dhaafaya 70 shay, kadib markii uu shaqeyn waayey khidbmadii dheeraadka ahayd ee ay soo rogtey shirkadda P&O Ports.

Ganacsatada iyo maamulka ayaa  sidoo kale ku heshiiyey in muddo 10 maalmood ah dekaddu u shaqeyso sidii caadiga ahayd, laakiin dhaqaalaha ka maqan Shirkadda Imaaraatiga ah waxaa kabaayey Maamulka Puntland taas oo ay sheegeen in ay culeys ku tahay, waxaana ay hadda qorsheynayaan in lacagtaas la saaro ganacsatada oo alaabaha qaar la saaro, kadibna loo gooyo shirkadda P&O.

Ganacsatada qaarkeed ayaa sheegaya in iyaguna ay sicirka kor u qaadayaan, dadka khasaaradu ku dhacaysona ay noqon doonaan danyarta iyo shacabka.Haweenka Boosaaso ayaa ka cabanaya arrimahaas, waxaana ay doonayaan in dekadda lagu so celiyo xaalad caadi ah.

Comments are closed