Odayaasha dhaqanka Soomaaliya oo talo ku yeelanaya dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya

Muqdisho (estvive) 20/11/2017

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah kula qaadatay Muqdisho odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka wasaarrada Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen odayaasha dhaanka Soomaaliyeed yahay mid muhiim u ah geedis socodka dib-u-eegista lagu sameynayo qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliyeed.

“Odayaasha dhaqanka waxa ay door muhiim ah ka soo qaateen dhamaanba Geedi socodkii lagu soo dhisay dowladnimada Soomaaliya kadib burburkii dalka, kaalinta odayaasha ay ku leeyihiin dib-u-eegista Dastuurka waa mid aad u ballaaran oo aan dooneyno in aad naga la shaqeeysaan” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.

Sidoo kale, gudoomiyaha guddiga Madaxbanaan Prof Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib-u-eegista Dastuurka, waxa ayna odayaasha ka codsadeen in ay ku gacansiiyaan hawsha ay wadaan hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka.

Ugu dambayn, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa talooyin soo jeediyay, sidoo kale waxa ay bogaadiyeen wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiyada.

Comments are closed