Sacuudiga oo Carabta ka codsaday inay u midoobaan dalka IRAN

Saudi Arabia’s Foreign Minister Adel al-Jubeir, center, and Egyptian Foreign Minister Sameh Shoukry, left, meet at the Arab League headquarters in Cairo, Egypt, Sunday, Nov. 19, 2017. The foreign ministers of four Arab nations are meeting in Cairo to discuss a draft Saudi declaration on countering Iranian influence in Arab affairs. (AP Photo/Nariman El-Mofty)

Iran (estvlive) 20/11/2017

Axadii shalay ayey magaalada Qaahira kulan deg deg ah isugu yimaadeen wadamada xubnaha ka ah Jaamacada Carabta, kulankan oo ay codsatay xukuumada Sacuudiga ayaa looga hadlayey farogelinta Iran ku heyso dalalka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Adel al-Jubeir oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay Carabta dhamaantood inay si mideysan u wajahaan khatarta ka imaaneysa dowlada Iran oo aan loo dulqaadan karin, ayuu yiri Mr.Al-Jubeir.

Ololaha Sacuudiga ka dhex bilaabay Jaamacada Carabta ayaa lagu soo beegay xili ay weli taagan tahay xiisada dalkaasi Lubnaan kadib markii uu iscasilay Raysalwasaarihii Saad Hariri oo ku dhawaaqay iscasilaadiisa xili uu ku sugnaa dalka Sacuudiga 4tii bishan November.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in Iran dooneyso inay kala qeybiso iskana horkeento dalalka Carabta, iyagoona soo qaatay hubka ay Tehran siineyso maleeshiyaadka shiicada ah ee Xisbullahda Lubnaan iyo Xuuthiyiinta Yemen.

Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Ahmed Aboul Gheit ayaa isaguna sheegay Gantaalkii kooxda Xuuthiyiinta Yemen ku tuureen magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudiga uu ahaa mid lagu soo sameeyey wadanka Iran, wuxuuna sheegay in aan la aqbali karin fariinta noocaan ah ee ka imaaneysa Iran.

Balse dalalka Carabta ayaa weli dhexdooda ka jira khilaaf xoogan, isla markaana ma jirto hal siyaasad oo ay ku mideysan yihiin oo ay ku wajahaan Iran. Waana midaas tan u fududeysay Iran inay awoodeeda ku baahiso dalalka Carabta.

Sacuudiga ayaa hada u arka in lagu hareeraysan yahay, waqooyiga waxaa hada ka xiga Ciraaq, Siiriya iyo Lubnaan oo ay Iran awood weyn ku leedahay, halka koonfurtana ay ka xigto Yemen oo ay ku sugan yihiin kooxda shiicada ah ee xuuthiyiinta oo taageerada ka hela Iran.

Waxaan weli u suurto gelin Sacuudiga iyo Xulafadiisa inay ka guuleystaan Xuuthiyiinta Yemen oo ay dagaal toos ah kula jireen tan iyo sanadkii 2015. Dagaalkaasi oo la rumeysan yahay inay ku dhinteen in ka badan 10.000 qof Yemeniin ah.

Xuuthiyiinta ayaa weli maamula Caasimada Yemen ee Sanca iyo waliba waqooyiga dalkaasi gobalada saaran xadka wadanka Sacuudiga.

Xulafa Sacuudiga ayaa bishii June ee sanadkan xayiraad kusoo rogay wadanka Qatar oo ay u arkeen inuu caqabad ku ahaa ololaha Sacuudiga doonayo inuu kula wareego hogaaminta dalalka Sunnida iyo Carabta, loolankaasi oo keenay xiisada weli ka dhex taagan Khaliijka oo aan iyaduna aan xal loo helin.

Comments are closed