Madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi oo si kadis ah meel fogaaro ah kula kulmay Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa (estvlive) 23/11/2017

Madaxweynaha la doortay ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii ugu horeysay si kadis ah kula kulmay goob fagaare ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro.
Madaxweynaha la doortay iyo musharaxii doorashadda lagaga adkaaday ayaa isku arkay aas qaran oo Hargeysa loogu sameeyey marxuun Axmed Yaasiin Gabi-Xadi oo ka mid ahaa odaayashii magaaladda Hargeysa.
Madaxweynaha la doortay ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo hogaaminaya masuuliyiinta xisbigiisa ayaa dareen farxadeed ku qaabiley hogaamiyaha xisbiga WADDANI, waxaanay u muuqdeen kuwo iska masaxayey cadhadii ololaha iyo dhiiftii ay keentay natiijadii Doorashaddu.

Muuse Biixi iyo C/raxmaan Cirro ayaa ololihii ugu adkaa dhexmaray,islamarkaana ololo kulul is dhaafsan jiray wakhtigii ololaha lagu jiray, taas oo keentay inay aad u kala fogaadaan,isla markaana taageerayaashoodu aad u kala fogaadeen.
Madaxweynaha cusub waxa laga filanayaaa inuu isku keeno dadkii siyaasaddu kala qaybisay ee aadka u kala fogaaday, waxaana hor yaala caqabado badan oo muddo qaadanaysa in la xaliyo.

Comments are closed