Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysan kula wareegay deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose

Muqdisho (estvlive) 24/11/2017

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ayaa lagu waramayaa howlgal qorsheysan kula wareegeen saldhigo Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu waramayaa in weerar dhowr jiho ah oo ay ku qaadeen deegaanka Abiikaroow ugu danbeyntii u suurtagashay in ay la wareegaan.
Howlgalka Al-shabaab looga saaray deegaaanka Abiikaroow ayaa waxaa fuliyay ciidamada Ururka 26aad ee guutada Saddexaad ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Talyaha Ururka 26aad ee guutada Sadexaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed G/sare Xassan Maxamed Abuukar ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Africa kala wareegeen Al-shabab deegaanno hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in deegaanka Abiikaroow ay Al-shabaab ku dileen jireen dadka rayidka oo ay ku eedeeyaan sida uu hadalka u dhigay faldanbiyeedyada.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa gobolada dalka Soomaaliya ka wada howlgalo lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay maamulaan.

Comments are closed