Dowladda oo sheegtay in ay martigalin doonto shirar caalami ah

Muqdisho (estvlive) 24/1/2017

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Yaariisoow ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay u diyaar garoobeyso shirar caalami ah oo dhici doona bilowga bisha December ee sanadkan.
Kulamadan oo uu shir guddoomin doono madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Maxamed Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb geli doona xubno ka socda beesha caalamka iyo masuuliyiin kale.
Wasiir Yariisoow ayaa sheegay in 4ta bisha December uu Muqdisho uu ka dhici doono shirka Amniga, loogana hadlayo wixii ka soo baxay shirkii London, dib u habeynta ciidamada, howlgalada ciidamada iyo bixitaanka AMISOM.
Maalinta xigta ee 5ta bisha December ayuu sidoo kale sheegay in uu Muqdisho ka dhici doono shir loogu magacdaray (Somali Partnership Forum), kaasi oo looga hadli doono arrimaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta kobcinta dhaqaalaha.

Comments are closed