Guddoomiyayaasha baarlamaannada Jabuuti iyo Soomaaliya oo ku wajahan Beledweyne

Jabuuti (estvlive) 24/11/2017

Maanta oo Jicmo ah ayaa lagu wadaa in magaalada Beledweyne gaaraan labada guddoomiye baarlamaanka ee Jabuuti iyo Soomaaliya Maxamed Cali Xumud iyo Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Socdaalka wafdiga labada guddoomiye si rasmi ah looma oga hasse ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in qorshaha wafdiga Jabuuti yahay in ay booqdaan saldhigyada ciidamada nabad ilaalinta dowlada Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Baladweyne.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxa ay kulamo la yeelan doonaan madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle iyo maamulka gobolka Hiiraan sida uu sheegay mas’uul ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.
Safarkan ay ku tagi doonaan Beledweyne wafdiga labada guddoomiye baarlamaan ayaa noqon doonta tii ugu horeysay ee nooceeda, waxaana la filayaa in madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu warbixin ka siiyo mas’uuliyiintan xaaladaha ka jira gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabelle.
Madaxweyne Waare oo fadhigiisu yahay magaalada Jowhar ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Baladweyne. Guud ahaan ammaanka magaalada Baladweyne ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamada ay ku sugan yihiin goobaha muhiimka ah iyo wadooyinka waaweyn ee magaalada Baladweyne.

Comments are closed