Madaxweyne Cabdi iyo Wafdigiisii oo dib ugu soo laabtay Jigjiga

Jigjiga (estvlive) 24/1/2017 Madaxweynaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada addisababa ee xarunta dalka itoobiya ayaa maanta dib jigjiga ugu soo laabtay.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee garaad wiil-wal ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin badan oo dowladda DDSI ka tirsan, waxaana intaas kaddib loo soo qaaday dhinaca madaxtooyada DDSI.

Muddadii uu madaxweynuhu ku sugnaa xarunta dalka wuxuu kulammo gooni-gooni ahaa la qaatay qaybaha kala duwan ee wasaaradaha heer federal.

Dhammaan dhinacyadii uu la kumay wuxuu kala soo hadlay sidii xal looga gaari lahaa xuduuda Oromada iyo deegaanka Somalida itoobiya taasoo wali somalida ku dhaxnool deegaannada oromada dhib loogeysto.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha DDSI ayaa shir Jaraa’id kaga hadli doona socdaalkiisa

Comments are closed