Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee dalka Masar

Muqdisho (estvlive) 25/11/2017

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay Weerarkii shalay lagu qaaday Masjid ku yaalla Waqooyiga dalka Masar, halkaasi oo ay ku dhinteen dad badan.

Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar Bam iyo rasaas  loo adeegsaday ku qaaday Masjid ku yaalla gobolka Waqooyiga Sinai ee dalka Masar iyaga oo dilay ugu yaraan 230 ruux, sida laga soo xigtay Wakaaladda wararka ee Dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkaasi, waxaana uu sheegay in uu ahaa mid Argagixiso.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xanuunka uu la qeybsanayo dowladda Masar iyo ehelada dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay, wuxuuna dadka dhintay uu Alle uga baryey in Janadiisa uu ugu Bishaareeyo, kuwa dhaawaca ahna uu deg deg u bogsiiyo.                          .

“Aniggoo ku hadlaya Magaceyga iyo Kan shacabka Soomaaliyeed waxaan xanuunka la qeybsanayaa  dowladda Masar iyo shacabkeeda xanuunka iyo murugada ka dhalatay dadka sida arxan darrada ah loogu xasuuqay Masjidul Rowdah ee dalka Masar ku yaalla, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Weerarkii ugu cuslaa ee wayadii ugu danbeeyay dalka Masar in mar kaliya tiro dad ah oo intaa la eg lagu dilo goob kaliya.

Comments are closed