Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo maanta khudbad ka hor jeedinaya baarlamaanka Soomaaliya

Jabuuti (estvlive) 25/11/2017

Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xamud ayaa lagu waddaa in uu maanta ka qeybgalo kulanka xildhibaannada gollaha shacabka Soomaaliyeed, halkaa oo uu khudbad ka jeedin doono.

Guddoomiyaha ayaa shalay socdaal ku tagay magaalada Baledweyne oo ay joogaan ciidamada dalka Jabuuti,waxaana socdaalka Baledweyne ku weheliyay guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

Khudbadda uu maanta ka horjeedin doono xildhibaanada golaha shacabka guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu ku soo hadal qaado xariirka ka dhaxeeya labada baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sidoo kale taageerada dowladda Jabuuti ay la garabtaagan tahay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Comments are closed