Xaflad Lagu Daah-furayay Gaadhiga Caafimaadka Wareega Oo Ka Dhacday Jigjiga.

Jigjiga (estvlive) 25/11/2017

Waxaa ka dhacday barxada wayn ee xafiiska caafimaadka DDSI xaflad balaadhan oo lagu daah-furayay gaadhiga caafimaadka wareega oo markii ugu horaysay la keenay deegaanka islamarkaana loo dhamays tiray adeegyada caafimaadka .

Xafladii lagu daah-furayay gaadhigan caafimaadka wareega ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiina xafiiska caafimaadka DDSI, masuuliyiin ka socoday wasaarada caafimaadka heer faderaal,masuuliyiin ka socay hayada xoola dhaqatada ee loo yaqaano PC. Odayaal dhaqameedka deegaanka iyo marti sharaf kale.

Waxaana ugu horaynii ka hadlay xafladan wasiirka caafimaadka DDSI mudan Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in xafladani tahay daah-furka gaadhiga caafimaadka wareega oo qaybka ah mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee loo yaqaano (RIF) wuxuuna sheegay in gaadhigani adeeg caafimaad oo casriya islamarkaana  fuhan siindoono bulshada xoolo dhaqatada ah ee deegaanka ee ka fog goobaha adeega caafimaadka wasiirka ayaa sheegay in uu kaalin mug leh ka gaysan doono  adeeg bixinta dhinaca caafimaadka deegaanka gaar ahaan adeega la gaadhsiinayo bulshada xoolo dhaqatada ah wasirka ayaa inaasi ku daray in uu gaadhigani bixidoono adeeg caafimaad oo la mid ah kuwa ay bixiyaan cisbitaaladu oo ay u dhamays tiran yihiin agabkii adeegyada caafimaadka.

Dhankooda masuuliyiintii ka socday heer fadaraal, masuuliyiina hayada xoolo dhaqatada ee PC iyo odayaal dhaqameedka deegaanka oo ka hadlay xafladaasi ayaa tilmaan dheerka bixiyay ahmiyada gaadhigan caafimaadka wareegaa u leeyahay adeega caafimaadka  waxayna sheegeen in ay tahay talaabooyin hore loo qaaday  oo wax wayn ka qabanayso helitaanka adeega caafimaadka bulshada xoolo dhaqatada ah waxayna siwayn u bogaadiyeen qorshahan lagu hirgaliyay gaadhiga caafimaadka wareega oo kaalin wayn ka gaysanaya adeega caafimaadka  bulshada xoolo dhaqatada deegaanka

Comments are closed