Dowladda Soomaaliya oo lagu soo wareejinayo maxaabiista ku xiran Seychelles

Seychelles (estvlive) 27/11/2017

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee Seychelles ku booqday illaa 15 Maxaabiis Soomaali ah oo halkaas ku xiran.

Maxaabiista ayaa ku xukuman sanado, kaddib markii ay Maxkamad ku heshay dambi la xiriira burcad badeednimo, kuwaas oo laga soo qabtay Xeebaha Soomaaliya.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in mid ka mid ah maxaabiista ay u dhamaatay muddadii lagu xukumay, islamarkaana la sii deyn doono bisha December ee dhamaadka sanadkan.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibbada ayaa sheegay mas’uuliyiinta Seychelles in ay diyaar u yihiin in isla bisha Desember  2017 ay ku soo wareejiyaan maxaabiista Dowladda Soomaaliya.

“Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl, Inkastoo xorriyad la’aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona” ayuu ku yiri wasiirka Arrimaha Dibadda.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga degmada Marka ee Shabeellada hoose, toddobaadkii hore, dalkana ku xirnaa Afar maalmood, waxayna ku eedeysan yihiin burcadbadeednimo.

“Waxay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato, nimankaan wax hub ah laguma arag doontooda,  Waxay leeyihiin matoorka ayaa ka xumaaday doonta markaas ayay jihada ay doonto noola sabbeysay”

“Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan mas’uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa maanta mar kale wadahadal la qaadan doona mas’uuliyiin sare ee Jasiirada Seychelles.

Comments are closed