Booliiska Australia oo xabsiga dhigay Muwaadin Soomaali ah oo loo heysto falal argagixiso

Melbourne (estvlive) 28/11/2017

Saraakiisha booliiska Australia ayaa sheegay in xabsiga la dhigay Nin dhalinyaro ah oo Asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay weerarro ka dhan ah dadka Australianka ah xilliga Ciidda Masiixiga.

Qofkan la xiray oo aan magaciisa ilaa iyo hadda la shaacin ayaa laga soo qabtay guri uu ka deganaa halka lagu magacaabo Werribee, oo qiyaastii 32 kilometers Koofur Galbeed ka xigta magaalada  Melbourne halkaa oo uu kula noolaa waalidkiis.

Shane Patton oo ah Taliye ku xigeenka Booliska Melbourne ayaa sheegay in Ninkan uu qorsheynayay in uu weerar ku qaado fagaaraha Federaalka ee bartamaha magaalada marka ay dadka isugu yimaadaan isaga oo adeegsanaya qoryaha tooska u dhaca.

Ma jiro hub lagu soo qabtay Ninkan,waxaana kaliya la tuhmayaa in uu taageero Daacish oo ku hanjabtay in ay weerarro ka geysaneyso Dalka Australia.

Ninkan ayaa la sheegay in maxkamad la soo taagayo maanta oo Talaado ah, waxaana loo heystaa xiriir dhinaca Internetka ah oo uu la leeyahay Alqaacidda iyo Daacish.,

Comments are closed