“Maxkamada sare ee dastuuriga ah waxay ansixisay natiijada ku meelgaadhka ah ee doorashada madaxtooyadda ee 2017-ka ee ay usoo gudbiyeen guddida doorashooyinku oo ah sidan xisbiga UCID, 23,141 cod, una dhiganta 4.17%, xisbiga KULMIYE oo helay 305,909 cod una dhiganta 55.1% iyo xisbiga WADDANI oo helay 226,092 cod, una dhiganta 40.73%, taas oo sharci ah in xisbiga KULMIYE oo helay codadka ugu badan kuna guulaystay tartankii doorashadda musharixiintiisuna ku guualysteen xilalka madaxtooyadda Somaliland, kuwaas oo kala ah musharaxa kowaad ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ku guulaystay jagadda madaxweynaha Somaliland, laba musharaxa labaad xisniga kulmiye Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo ku guulaystay jagadda madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye”ayuu yidhi gudoomiyaha Maxkamadda dastooriga ah ee Somaliland Aadan Xaaji Cali.
Natiijadan ay maxkamadda sare ku dhowaaqday ayaa noqonaya mid rasmi ah, iyadoo natiijadii guddida doorashooyinku ahayd mid ku meel gaadh ah, waxaanay sheegeen inay dib u hubiyeen xisaabtii codadka ee gobolada iyo degmooyinka iyo nidaamkii ay doorashaddu u dhacday.
“waxa cadaatay in aanay jirin wax cabasho ah oo ku saabsan natiijada ku meelgaadhka ah ee ay ku dhowaaqeen guddida doorashooyinka Qaranka iyo guud ahaan hanaanka ay doorashaddu u qabsoontay oo ay maxkamadda usoo gudbiyeen xisbiyadu mudadda sharcigu dhigayo oo ah toddoba maalmood gudahood kana bilaabanta maalintii natiijada hor dhaca ahayd lagu dhowaaqay sida ku xusan qodobka 66aad,faqrada 1aad xeer 20/2001”ayuu raaciyey gudoomiyaha maxkamadda.
Waxaanu intaas ku daray “ maxkamaddu waxay hubisay xisaab ahaan iyo nidaam ahaanba qoraaladda raadraaca ah ee xafiiska guddida doorashooyinka qaranka, iyo natiijada ku meel gaadh ah ee gudida doorashooyinka ku dhowaaqeen 21-kii bisha November,2017”
Comments are closed