Uhuru Kenyatta oo mar kale loo dhaariyay xilka madaxtinimada

Kenya (estvlive) 28/11/2017

Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa wacad ku maray in uu xallin doono kala qaybsanaanta ka dib markii xilka madaxwaynanimada loo dhaariyay markii labaad,xaflad ay qaadaceen mucaardka.

Khudbad uu jeediyay ka dib caleem saarka oo ka dhacday caasimadda Nairobi,waxa uu sheegay in uu la shaqayn doono qaar ka mid ah fikradaha mucaaradka iyada oo la eegayo wadajirka.

Balse meelo ka mid ah caasimada waxaa isku dhacay taageerayaasah mucaaradka iyo booliiska.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo qaadacay doorashadii ku celiska ahayd bishii aanu soo dhaafnay,ayaa ku tilmaamay xafladda “boqor isku caano shubay”.

Mr Kenyatta ayaa dib loo doortay 26 October ,waxa uuna helay 98% codadkii la dhiibtay,doorasho ay u soo baxeen 39%.

Doorashadii la qabtay 8 August ayaa waxa waxba kama jiraan ka soo qaaday maxkamada ugu sareysa iyada oo loo cuskanayo wax isdba marin dhacday.

Dad boqol kun ku dhow ayaa ka qeybgalay caleemo-saarka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, taas oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee Kasarani oo qaada 60 kun, halka 40 kun kale ay dhalooyin banaanka la suray ka daawanayeen.

BBC

Comments are closed