Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay in 3 bilood loo qabtay in lagu soo celiyo lacagta lagala baxay bangiyada, hadii ay dhamaanto sadexdaas bilood ee wakhtiga loo qabtay ay dowladiisa bilaabi doonto inay sharciga la tiigsato shaqsiyaadka iyo Shirkadaha amarkan jabiya.
Madaxweyne Emmerson ayaa hawsha ugu weyn oo hortaal ay tahay sidii wax uga qaban lahaa dhaqaalaha burburay ee wadankaasi.
“….Inta lagu jiro sadex bilood ee soo socota oo ka bilaaban doonta 1da December, wax su’aalo ah lama weydiin doono cidii soo celisa lacagta dalka laga baxay, markii ay dhamaato 3daas bilood cidii amarkan jabisay waxaan horgeyn doonaa sharciga…” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha.
Hogaamiyaha cusub ee xilka kala wareegay Robert Mugabe ayaa xafiiska loo dhaariyey jimcihii lasoo dhaafay, wuxuuna shalay kala diray Golihii Wasiirada iyadoo aan la aqoon xiliga uu soo dhisi doono xukuumada cusub.
Comments are closed