Sidookale, xoghayaha guud ee laanqayrta cas ee dalka Ethiopia marwo ferehiwot warqu oo iyadna ka hadashay xadhig kajarka biyo xidheenkan ayaa sheegtay in kadib markii isbadalka cimiladu ay keentay abaaro kadibna ay saamaysay dadka iyo duunyadaba ay doorteen samaynta biyo xidheenkan. Iyagoo kaashanaya xafiiska Hor- Khay- biyaha DDSI, islamarkaana maalgalinta kahelay hay’ada Laanqayrta Cass ee wadanka Neither land.
Dhankakale, wasiir kuxigeenka xafiiska kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali oo isna kahadlay biyo xidheenkan ayaa sheegay in dhaamkani waxwayn katari doono baahiyaha bulshada xoolo dhaqatada ah ee dhanka biyaha kuwaasoo kudhaqan tuulada Harre. Wuxuuna xusay in uu aad ugu mahadcelinayo hay’adahan iska kaashaday iyo waliba xafiiska biyaha DDSI.
Iskusoowada duuboo, biyo xidheenkan ayaa ah mid ay kafaa’iidaynsanayaan bulsho dhan 1380 qoys iyo waliba xoolo tiradoodu kabadan tahay 37000 oo neef, waxaana kubaxay lacag dhan 13.5 milion birr.
Comments are closed