X.D.SH.S.I Iyo Xukuumada Deegaanka Oo Go’aamiyay Fulinta Go’aankii Raisal-wasaaraha

Jigjiga (estvlive) 02/12/2017

Golaha dhexe, gudiga fulinta ee XDSHSI iyo golaha kabineega ee dawlada deegaanka soomaalida oo ay weheliyaan odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa soo dhaweeyay fulinta go’aankii kasoo baxay shirkii duhurnimadii maalintii isniinta kadhacay xafiiska raisal-wasaaraha ee magaalada addis ababa ee ahaa in dib goobahoodii loogu celiyo dadkii kasoo kala barakacay labada deegaan ee soomaalida iyo oromada.

Hadaba XDSHSI iyo xukuumada DDSI oo ay weheliyaan hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa shir ay yeesheen waxay hoosta kaga xariiqeen inay dib-ucelinta barakacayaashu tahay qodob dastuuri ah oo uu dadka reer itoobiya usiman yahay meel kasta oo itoobiya kamid ah inuu kunoolaan karo islamarkaana ay soo dhawaynayaan go’aanka raisal-wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn  oo ay dawlada deegaanka soomaalida itoobiya ay iyadu nabadaynta ugu horaynayaan oo ay bilaabayaan dib-ucelinta dadkii soomaalida ahaa ee kasoo barakacay deegaanka oromada islamarkaana ay si buuxda damaanada nabadgalyadooda uqaadayaan dadkii oromada ahaa ee kabarakacay deegaanka soomaalida ee dib loogu soo celin doono goobihii ay deegaanka soomaalida kaga noolaayeen.

Ugudanbayn, waxay xisbiga, xukuumada iyo shacabwaynaha deegaankuba ay ugu baaqayaan dadkii oromada ahaa ee kabarakacay deegaanka soomaalida gaar ahaan dadkii ganacsatada ahaa inay dib ugu soo laabtaan goobahoodii.Iyadoo uu shacabka soomaalidu uu si diiran oo walaalnimo leh ugusoo dhawayndoono.

Comments are closed