Lubnaan: Saad Hariri oo dib uga noqday Iscasilaadiisii

Lubnaan (estvlive) 06/12/2017

Raysalwasaaraha Lubnaan Saad Hariri oo bilowgii bishii hore ee November sheegay inuu xilka iska casilay, isagoo ku sugan magaalada Riyadha ee Sacuudiga ayaa Salaasadii shalay si rasmi ah u sheegay inuu go’aankaasi ka noqday.

Saad Hariri ayaa arrintan shaaciyey kadib kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Lubnaan oo ansixiyey baaq uu soo jeediyey Hariri oo ah in dalka Lubnaan ay dhex dhexaad ka noqdaan xiisada ka dhex taagan dalalka Carabta, Golaha Wasiiradiisa ayaa si buuxda u taageeray go’aankaasi.

Hariri ayaa xiligii uu iscasilayey sheegay in Iran ay farogelin ku heyso dalkiisa isla markaana kooxda Shiicada ah ee Xisbullah ay khatar ku tahay dalkiisa iyo waliba isaga naftiisa. Walow la sheegay in iscasilaadaasi ay ku cadaadiyeen Sacuudiga.

Raysalwasaaraha ayaa markii uu ku dhawaaqay iscasilaadiisa sadex todobaad kusii sugnaa Riyadha, isagoona ugu danbeyn dib ugu noqday dalkiisa hooyo, halkaasi oo uu todobaadyadii lasoo dhaafay kulamo kula lahaa hogaanka dowladaasi oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha wadankaasi oo diiday inuu aqbalo iscasilaada Hariri.

Sacuudiga ayaa si weyn u dhaliilay qaabka Saad Hariri ulla macaamilo kooxda Xisbullah oo xubno kuleh xukuumadiisa iyo Baarlamaanka Lubnaan. Sacuudiga ayaa xisbullah u arka khatar iyo gacanta militari oo ay IRAN ku leedahay dalalka Carabta. Kooxdaasi ayaa kaalin weyn ka qaadatay dagaalka ka socda wadanka Siiriya.

Comments are closed