Xukunka rasmiga ah ee Cali Cumar ayaa ah sida werbaahinta qaar ay qorayaan xabsi daa’in la filayo in lagu dhawaaqo sanadka soo socda 2018-ka, waxaana ninkan gudaha dalka Canada lagu qabtay 2015-kii.
Amanda Linhod ayaa shalay oo Arbaco aheyd waxa ay Maxkamadda ka hor sheegtay iyada oo ilmeyneysa markii ay aragtay Cali Cumar Adeer in ay dhowr jeer la kulantay faraxumeyn, la garaacay, loona hanjabay, islamarkaana laga wareejiyay dhowr jeer goobtii afduub ahaanta loogu heystay, Gabadhaasi wariyaha ah Hooyadeed iyo dadka reer Canada ayaa dhaqaale ay uruuriyeen Madax furasho loogu soo daayay.
Sagaal Sano kahor ayaa Gabadhan waxaa lagu afduubtay magaalada Muqdisho sanadkii 2008-dii, markaasi oo ay wada shaqeynayeen wariye Madax banaan, waxaana labadoodaba madax furashadii dhaqaalaha aheyd ee la uruuriyay lagu soo daayay sanadkii 2009-kii bishii November.
Comments are closed