Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Ahlusunna ay markasta u taagnaayeen difaacidda dalkooda iyo dadkoodaba, isla markaana waxa uu tilmaamay Madaxweynuhu in heshiiskani Soomaali oo dhan guul u yahay, isla markaana uu si gaara u taabanayo Puntland iyo Hirshabeelle.
” Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna wuxuu guul u yahay Soomaaliya oo dhan si-gaarana wuxuu wanaag u yahay Puntland iyo Hirshabeelle, waxaannu nahay xigto, waxaannu nahay deris, si gaara ayuu noo-khuseeyaa si gaara ayuu noo-taabanayaa si gaara ayuuna nabadgelyadayada iyo wada jir kayaga uga qayb qaadanayaa saamaynna ugu yeelanayaa. Insha Alla dhamaystirka heshiiskana waan kawada qayb qaadandoonnaa” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Galmudug iyo Ahlusunna waljamaaca, ayaa shalay heshiis rasmi ah oo ka kooban 14 qodob ku kala saxiixday xarunta Madaxtooyada qaranka ee Magaaladda Muqdisho, iyaddoo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Juxa oo hishiiska ay gaareen labada dhinac qeyb ka saxiixay iyo masuuliyiin kale oo ka socotay xukuumada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
Comments are closed