Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isagu kamid ah muwaadiniinta Soomaalida ah ee heysta sharciga Maraykanka, walow uusan arrintan ka hadlin, wuxuuse Madaxweynaha todobaadkan uu amaan kala dul dhacay Maraykanka isagoo ku amaanay mashaariicda dowladaasi ka fulineyso Soomaaliya.
Dhamaan wadamada xayiraada la dul saaray muwaadiniintooda ayaa jawaabo cad ka bixiyey, iyagoo qaarkoodna sheegeen inay xayiraad taas lamid ah kusoo rogi doonaan muwaadiinta Maraykanka ee dalkooda imaanaya, halka kuwa tabarta yarna ay ugu yaraan sheegeen inay ka xun yihiin in shacabkooda qaabkaas loola dhaqmo.
Waxaa hubaal ah in dowlada Soomaaliyeed ee xiligan tahay mid daciif ah oo ku taagan taageerada caalamiga ah balse macada waxa u diidaya inay muujiso “ugu yaraan” sida ay uga xuntahay go’aankan taabanaya muwaadiniinteeda.
Dowlada iyo Xukuumada hada oo la baxday “Soomaaliyada Cusub” ayaa horey u sheegtay inay muujin doonto Qaranimadooda, balse waxaa muuqata in dowladu aysan weli ku dhiiran karin inay dhaliilsho dalalka ay taageerada ka dooneyso.
Waxaana taasi tusaale u ah go’aankii Trump ee socdaalka muwaadiniinta Soomaaliya iyo waliba kiiskii kasii horeeyey ee [Qalbi Dhagax] oo ay dowladu muwaadin Soomaaliyeed si “Sharci Daro” ah ugu gacan gelisay Dowlada Itoobiya.
Go’aanka Qudus
Dalka Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka Islaamka ee aan wax xiriir ah lalaheyn Israel.
Wadanka Soomaaliya ayaan weli aqoonsaneyn maamulka Israel taasi oo ah go’aanadii [dowladihii hore] ee Soomaaliya ay ku garab istaagayeen shacabka Falastiin.
Hadaba dowlada “Soomaaliyada Cusub” ayaa kamid ah dalalka Faro ku tiriska ah ee hogaamiyayashooda aan weli arrintan ka hadlin, walow ay shalay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Federaalka qoraal kooban ku sheegtay inay arrintan ka xuntahay iyo dad shacab ah mudaharaad looga soo horjeedo go’aanka Qudus ee Trump ka dhigeen magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ayaa midna ka hadlin arrintan. Qadiyadahan waa kuwo ka weyn qoraal kooban oo Wasaarada Arrimaha Dibada warbaahinta ku shaaciso, balse waa mid laga rabay hogaanka dalka inuu si toos ah uga hadlo.
Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo ah mas’ uuliyiinta ugu sareysa Dowlada Soomaaliya horey ugama xishoon walibana si degdegleh ayey horey tacsiyo ugu dirtay Maraykanka dilalka ka dhaca sida kii Las Vegas, balse waxaa la isweydiinayaa waxa u diiday inay ka hadlaan Qadiyada Muwaadiniintooda iyo tan magaalada barakeysan ee sadexaad ee Islaamka (Qudus)?
Waxay “Soomaalidii hore” ku maah-maahi jireen “…Waan Baahanahay Bakhtiga Looma Cuno!…”
Comments are closed