Shir Lagu Taageeri Hormarka DDSI oo Lagu Qabtay Magaalada Stockholm

Sweden (estvlive) 11/12/2017

Shir lagu Taageeri Hormarka Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya oo ay kasoo qaybgaleen masuulyiinta ugu saraysa Jaaliyadda DDSI ee Dalka Sweden iyo Masuulayiin ka socda safaarada Itoobiya ee dalka Sweden yo Qaar kamid ah xubanaha taageerayaasha xisbiga XDSHSI Odayaasha, Dhalinyarta, haweenka, iyo marti sharaf kale oo ka soo qeybgashay.

Hadaba Shirkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI ee Sweden Mudane Xayi Maxamuud oo ugu horayn umahad celisay dhamaan kasoo qaybgalayaasha shirka isagoo sheegay in ay garab taagan yihiin Xukuumadda DDSI uu Hogaamin Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar 5tii Sano u dambeysay deegaanka uu gaaray hormar lataaban karo.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka Jaaliyadda DDSI ee Sweden Mudane Cadaani Xasan ayaa sheegay ka jaaliyad ahaan in at taageersan yihiin midnimada iyo dib u curashada ee ka hana qaaday deegaanka wuxuuna kula dardaarmay dhamaan ka soo qeybgalayaasha shirka in la adkeeyo midnimada iyo wada jirka dawlad deegaanka Somalida Itoobiya.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Safiirka Cusub ee Itoobiya wadamadda Scandinavianka fadhigiisuna yahay Stockholm Ambassador Prof. Merga Bekana ee dhawaan loo soo mgacaabay ayaa shirkan lagu marti qaaday ayaa  sheegay in Jaaliyadda DDSI ay tahay jaaliyadda ugu xoogan dalka Sweden ka Safiir ahaan ku faraxsan yahay in Shirkan uu ka soo qeybgalo islamarkaana wada shaqeyn xoogan dhaxmari doonto  Safiirka ayaa amaan xoogan u soo jeediyay jaaliyadda DDSI Ee Sweden.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay qunsulka Itoobiya Ee Dalka Sweden Mudane Dr. Hussein Ahmed Omer ayaa sheegay in Raisal-wasaaraha JDFI mudane hailemariam desalegn ayaa manaasabadii xuskii 12aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ee lagu xusay caasimada deegaanka canfarta ee samara ku wareejiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar koobka dhismaha mashruuca wabiga dib u curashada dalkeena itoobiya ee abay.

Qunsulka ayaa la dardaarmay dhamaan ka soo Qeybgalayaasha shirka wuxuu sheegay in manta dadaal balaadhan ee dalku ugu jiro sidii loo tir tirilahaa saboolnimada islamarkaana loo gaadhilahaa wadamada dhaqaala hoodu dhex-dhexaadka yahay ka qurbajoog ahaan waa in ay kaalin tiina ka soo baxdaan. islamarkaana in laxoojiyo midnimada iyo dib u curshada daawlad deegaanka somalida Itoobiya at ku caano maashay 5tii sano u dameysay

Ugu dambeynti, Dhanka kale waxaa iyana dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha shirka waxeyna dhamaan taageereen nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka Jira dawlad deegaanka Somalida itoobiya Islamarkaana ku dardaarmeen waqtigan xaadirka ah in dhaxda loo xirto sidii cadaw kasta DDSI ay leedahay meel looga soo wada jeesto kulan kasi ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Stockholm

Comments are closed