Turkiga (estvlive) 12/12/2017
Putin iyo Erdogan oo si wadajir ah shir jaraa’iid ugu qabtay magaalada Ankara ayaa sheegay in go’aankii Donald Trump ee magaalada Qudus uu ahaa mid khalad ah oo khatar ku keenay amniga gobalka.
Turkiga ayaa doonaya inuu dalka Ruushka ka iibsado gantaalada difaaca ee loo yaqaan S-400, heshiiskan oo la filayo inuu ku kaco dhaqaale gaaraya 2 bilyan oo dollar.
Isbaheysiga NATO oo uu Turkiga xubin ka yahay ayaa si weyn uga soo horjeeday inay hubka kasoo gataan wadanka Ruushka.
“…Ruushka iyo Turkiga waxay si wadajir ah u aaminsan yihiin in go’aankii Trump uu ahaa mid aan wax xal ah u keeni doonin gobalka, isla markaana burburin kara dhamaan dadaaladii nabad loogu jiray…” ayuu yiri Putin.
Comments are closed