Israel ayaa sanadihii lasoo dhaafay dadaal weyn ugu jirtay inay Qaarada Afrika ku yeelato ganacsi xoogleh oo dhanka tiknolijiyada ah iyadoo barnaamijyoo badan oo wax lagu basaaso ka gaday dalal badan.
Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Kenya xiligii caleemo saarka Madaxweynaha dalkaasi ee Uhuru Kenyatta ayaa khudbadii uu kasoo jeediyey Nairobi ku sheegay inay doonayaan in dalalka Afrika ka caawiyaan dhinaca tiknolijiyada iyo waliba la dagaalanka argagaxisada sida Daachis, Al Shabaab iyo Boko Xaram.
Shirkadaha Israel ayaa loolan xoogan kula jiray Shirkadaha laga leeyahay Yurub oo iyagu horey u heystay suuqyada Afrika ee dhanka qandaraasyada militairga iyo tiknolijiyada.
Halkan ka akhriso Warbixinta Barnaamijka Itoobiyada u adeegsato basaasida dhanka internetka.
Comments are closed