Magaalada Balbaleyti deegaanka Oromda lagu xasuuqay 80-qof oo shacab ah oo ku abtirsada Somalida Itoobiya warbaahinta dawlad deegaanka qaar ka mid ah oo ay lasoo xidhidheen shacabkaasi ayaa u xaqiijiyay in ay u badnaayeen haween iyo odayaal.
Shacabka ku dhaqan deegaanka Balbaleyti ayaa waxey ka codsanayaan xukuumadda dawlad deegaanka Somalida Itoobiya in ay gargaar degdeg ah lasoo gaaraan.
Waxeyna codsadeen in lala xisaabtamo maamulka dawlad deegaanka Oromiya madama ay masuuliyad ka saaran tahay shacabka ku dhaqan deegaankeeda.
Waxey kaloo ka codsadeen Madaxweynaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar in cabashooyinka ay qabaan in uu kula xisaabtamo masuuliyiinta ugu sareysa dawlada Federaalka Itoobiya ugu horeeyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.
Ugu dambeyntii baaqii ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ee ahaa in labada moomul oromiya iyo DDSI dib-ucelinta barakacayaashu ay tahay qodob dastuuri ah oo uu dadka reer itoobiya usiman yahay meel kasta oo itoobiya kamid ah inuu kunoolaan karo islamarkaana Xukuumadda DDSI ay soo dhawaynayeen go’aanka raisal-wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn oo ay dawlada deegaanka soomaalida itoobiya ay iyadu nabadaynta ugu horaynayaan oo ay bilaabayaan dib-ucelinta dadkii soomaalida ahaa ee kasoo barakacay deegaanka oromada islamarkaana ay si buuxda damaanada nabadgalyadooda uqaadayaan dadkii oromada ahaa ee kabarakacay deegaanka soomaalida ee dib loogu soo celin doono goobihii ay deegaanka soomaalida kaga noolaayeen. Qodobkaasi dastuuriga ahaa deegaanka Oromiya wey jabiyeen shacabkii somalida ahaa ee ka soo barakacay deegaanka Oromiya dib looguma celin karo maamulka Oromiya ma damaanad kaadi karaan waxaana loo geystay xasuuq.
Comments are closed