Tababar Kor Loogu Qaadayo Garaadka Aqooneed Ee Barayaasha Afka Soomaaliga Ee Gobolka Erer Oo Lasoo Gabagabeeyay

Fiiq (estvlive) 15/12/2017

Tababar uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI oo loo hayay macalimiinta luuqada afka soomaaliga ee dhamaan  degmooyinka gobolka erer ujeedadiisuna ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa garaadka aqooneed ee barayaasha luuqada afka soomaaliga ee degmooyinka gobolka erer ayaa lagusoo gabagabeeyay degmada fiiq ee xaraunta gobolka erer

Haddaba tababarkan oo socday mudo 10 ah ayaa waxaa xidhitaankiisii kawarbixiyay  khabiir ka socday xafiiska waxbarashada DDSI mudane Xaashi Macalin oo  madaxkooxeed ka ahaa tababarkan   ayaa  sheegay in tababarkan ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI, Hay’ada USAID, hay’ada RTI iyo waliba mashruuca READ TA islamarkaana lasiinayo barayaasha luuqada afka soomaaliga ee fasalada 5aad ilaa 8aad. Kuwaasoo laga soo kala xulay dhamaan degmooyinka Gobolka Erer. Wuxuuna  intaa kudaray in  tababarkani uu socday mudo 10 cisho ah islamarkaana barayaasha qaatay tababarkan looga baahanyahay inay fahan buuxa kasiiyaan ardayda ay macalimiinta utihiin. Maadaama  casharada la idinsiinayay mudada 10ka cisho ah ay ku qotomaan luuqada Afka-soomaaliga akhriska iyo qoraalkeedaba iyo waliba nidaamka ama shuruucda baris barasho ee looga baahan yahay macalinka luuqada Afka-Hooyo .

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaarkamid ah barayaashii qaatay tababarka oo sheegay inay si fiican uqaateen dhamaan cashiradii tababarku ku saabsanaa  mudadii uu cashirku socday islamarkaana uga faaiidayn doonaan ardayda wax kabarata  dugsiyadii ay ka kala yimaadeen.

Sidoo kale waxaa iyagana maanta loo bilaabay barayaasha luuqada englishka ee degmooyinka gobolka erer tababar  kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee barayaasha luuqada englishka ee degmooyinka gobolka erer islamarkaana socon doono mudo 10 cisho ah.

Comments are closed