Hadaba tababarkan loo qabtay barayaasha luuqada englishka ee gobolka faafan ayaa waxaa furitaankiisii kasoo qaybgalay wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmednuur, Agaasinka Horumarinta Maclimiinta iyo Hogaaminta waxbarashada Cabdixakiin Maxamed Cali waxaana ugu horayn tababarkan ka hadalay wasiir kuxigeenka waxbarashada DDSI mudane maxamuud axmednuur oo sheegay in tababarkan yahay mid ay iskakaashadeen wasaarada waxbarashada JDFI iyo xafiiska waxbarshada DDSI ujeedadiisuna yahay sidii kor loogu qaadilahaa garaadka aqooneed ee barayaasha luuqada englishka degmooyinka gobolka faafan ee fasalka 1aad ilaa 12aad islamarkaana loosii xoojin lahaa nidaamka barisbarasho ee barayaasha luuqada englishka si loo helo araday tayo leh.
Ugu danbayna waxaa dhankiisa ka hadlay agaasinka Horumarinta Maclimiinta iyo Hogaaminta waxbarashada Cabdixakiin Maxamed Cali oo kula dardaarmay barayaashan tababarkan qaadanayay inay ka faaiidaystaan mudada uu tababarku socdo maadaamo uu yahay tababar muhiim ah oo loo baahanyahay inaad usii gudbisaan dugsiyadaii la idinka soo kala xulay.
Comments are closed