KA: ODAYAASHA IYO AQOONYAHANKA DADKA SOOMAALIDA AH EE KUNOOL GALBEEDKA HARARGE, ITOOBIYA
KU: RAISAL WASAARE HAILEMARIAM DESALEGN
KU: JAMHUURIYADA DIMOQRAADIGA FEDERALKA ITOOBIYA
KU: EPRDF
KU: HUMAN RIGHTS WATCH
KU: UN SECURITY COUNCIL
KU: AMNESTY INTERNATIONAL
KU: DAWLADA DEEGAANKA SOOMAALIDA ITOOBIYA
UJEEDO: QAYLO-DHAAN IYO FARIIN KASOCOTA SHACABKA SOMALIDA AH EE KUNOOL GALBEEDKA HARARGE, ITOOBIYA
Waxaan nahay dad isir ahaan soomaali ah oo kunool galbeedka hararge ee dalka Ethiopia boqolaalkii sano ee lasoo dhaafay, 90% boqolkiiba afsoomaali ma naqaano oo af-oromo ayaan kuhadalaa, dhalasho ahaanse waxaan kasoo jeednaa dhamaan qabaailada soomaalida ah ee dega deegaanka soomaalida itoobiya. waxaana kunoolahay badhtamaha deegaanka oromada dhexdeeda. Tan iyo intii uu dhintay raisal-wasaarihii hore ee Meles laga soo bilaabo 2004TI xasuuq ba’an baa nalagu hayaa. Waxaana udacwoonay laan kasta oo dawlada federalka kamid ah iyo madaxda dawlad deegaanka oromada, maalinba maalinta ay kadanbayso ayay nooga sii daraysay. 2008TI in kabadan 50kun oo qof oo soomaali ah oo kunoolaa deegaanka Bal-balayti oo soomaali ah ayaa barakacay kadib markay u adkaysan waayeen dilkii, dhicii iyo kufsigii joogtada ahaa ee nalagu hayay oo dagay Qoloji.
Maalinba maalin nooga daran ee intay maamulka oromiya xilka qabteen Lamma Magerse, Abiyu Ahmed iyo Abadula Gamadha waxaa nalagu sameeyay xasuuqii ugu ba’naa taariikhda abid intaan kunoolahay deegaanka oromada oo dil, dhac iyo kufsi isugu jira anagoo kamid ah dadka itoobiyaanka ah ee ay maamulayaan islamarkaana dagan badhtamaha deegaanka oromada, xadka soomaalida ee noogu dhawna uu noo jiro in kabadan 400km.
Hadaba waxay noogu darayd maalintii shalay ahayd oo xasuuqii ugu balaadhnaa abid nalagu sameeyay iyadoon loo kala aabayeelin caruur, ciroole, dhalinyaro, aqoonyahan iyo hooyooyinba. Waxaana dhacday in booliska oromiya ee degmada majaare gaar ahaan qabalaha Gaadula ay duhurnimadii maalintii shalay ahayd oo kubeegnayd 15kii December inay xerada booliska gaadula dhexdeeda kugawraceen 60 qof oo ahaa maxaabiis ugu xidhnaa soomaalinimo darteed, Kadibna maydadkoodii lagu qariyay godka qashinka ee qabalahaas iyadoo ay maydadka intooda badan gubeen iyo waliba 150 guri oo ay dab kushideen. Waxaa kale oo ay qabalaha hororayti kudileen 70 qof isla maalintii shalay ahayd iyo in kabadan 80 qof oo ay kudileen tuulooyinka Korfa iyo Tao. waxayna tirada dhimashadu ay kor udhaafaysaa ilaa hada 200 oo qof inkastoo ay ciidamada qaranku badbaadiyeen 300 oo qof oo masjid kujiray oo ay 6 shaqsi kagawraceen iyo 54 qof oo kale. waxayna kubadbaadiyeen qabaleeyada kala ah watadora, harorita iyo qaar kale balse waxaa wali biyo iyo baad la’aan ah dad ay tiradoodu kor udhaafayso 200 oo kun oo qof oo ay wado walba kaxidheen.
Intaas markay dhacday kadib ayaa waxaan laxidhiidhnay qaar kamid ah eheladanadii horay nooga qaxay oo noola xidhiidhay Dawlada deegaanka soomaalida itoobiya kadibna DDSI ayaa ugudbisay una bandhigtay dawlada federalka ah iyo cid walba oo ay khusaysay xogta xasuuqa nalagu sameeyay sidaas ayaa waxaa noogu yimid maanta wafti watay 2 helicopter oo uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga dalka. waxayna indhahooda ku arkeen god lagu aasay maydadkii 60 qof iyo god kale oo lagu aasay maydadkii 70 qof oo kale. Waxaana taas daliil u ah mid kamid ah waftiga oo naloogu sheegay inuu yahay ninka haysta xaquuqul insaanka itoobiya ayaa kadib markuu arkay sida axmuqnimada ah ee dadka loo xasuuqay mantag is hayn waayay oo afka furtay.
Hadaba sababta anagoo deegaanka oromada dagan isir soomaali ahaan naloogu xasuuqayo iyo sababta soomaalida deegaanka dagan loogu hayo dagaalka iyo weerarka joogtada ah waxay tahay halgan loogu jiro burburinta nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka itoobiya. Waxayna dabasocotaa kulamo ay yeesheen qaar kamid ah hogaaminta dawlada oromada iyo xisbiga OPDO oo lagu cilaaminayay dagaalo bilihii lasoo dhaafay oo ay ugu danbaysay kulankii balaadhnaa ee kadhacay addisababa millenium adharaash 7dii bishan December. Halkaas oo ay gubaabin iyo abaabul kasameeyeen iyagoo si cad oo shaac ah ugu cilaamiyay inay burburiyaan nidaamka federalismka iyo dastuurka dalka. Waxaana taas xigay, hay’adaha amniga oromiya oo iyaguna si shaac ah u cilaamiyay dagaalo kadhan ah dastuurka iyo federalismka oo ay soomaalidu kamid tahay. kadib ayuu xasuuqani dhacay. walina wuu socdaa xasuuqii oo niskii danbe ee maanta 15 kale oo soomaali ah ayaa ladilay.
Dawlada federalka ah iyo ciidamada qarankana mas’uuliyad ayaa kasaaran inay dadkaas badbaadiyaan meesha ay liyuu booliska oromada, maleeshiyaadkooda iyo adhmabatanaga oromadu ay dhamaan uhaliilayaan inaysan dadkaas waxba kareebin oo ay wada xasuuqaan. Dawlada federalka ah iyo ciidamada qarankuna way ogyihiin. marka, waxaan dawlada federalka ah, ciidamada qaranka, tadeegaanka iyo caalamkaba aan kacodsanaynaa in si dhakhsa ah nalooga joojiyo.
Tanina ma aha markii ugu horaysay ee laxasuuqo dad soomaali ah oo dhex dagan badhtamaha deegaanka oromada ee waxaa laxasuutaa xasuuqii magaalada awaday kadhacay 4 bilood kahor ee lagu laayay in kabadan 47 qof balse ilaa iyo hada aysan dawlada oromiya iyo xisbiga OPDO toona katacsiyeynin oo ay diideen maadaama oo ay uqorshaysnayd inay dhacdo tan hada dhacday ee dadka maxaabiista ah lagu laayay iyo qorshayaal kale oo lagu burburinayo dawlada federalka ah oo aan wali dhicin.
Dhacdadan ayaana cadayn u ah shacabwaynaha reer itoobiya islamarkaana fashilinaysa qorshahooda baroortu orgiga kawayn iyo been abuurka ah ee ah inay dadka laayaan hadana ay kaa hor ooyaan. Waxaa kale oo ay fashilinaysaa been abuurkii ay lahaayeen dagaalo ayaa kasocda xadka maadaama oo ay tahay markii 2aad oo ay dad soomaali ah oo ay iyagu maamulaan xabsigooda gudihiisa ay ku xasuuqaan kadibna ay god qashin kuguraan.
Waxaa taas lamid ah oo ay cid walba xasuusataa 47dii qof ee ay horay ugu xasuuqeen magaalada awaday oo 19 kamid ah oo kali ah la aasay intii kalana ay god qashin kurideen oo ay uus-xabaaleen ilaa hadana aan meela lagu haynin.
Hadaba arintan shalay dhacday ee ay dawlada federalka ahi indhaheeda kusoo aragtay ayaa waxaa wax lalayaabo ah inaysan ilaa hada kahadlin iyadoo sababtu tahay inaan dadka soomaalida ah waxba loo arkaynin balse laga cabsanayo OPDO iyo sababta kale oo ah codka doorashada soo socota darteed maadaama oo ay OPDO sheeganayso inay uqorshaysnayd inay maamulka lawareegayso bishii meskerem ee lasoo dhaafay cabsi laga qabo taas ayaa loogu xeer dhiganayaa. Waxaana taas cadayn u ah Abadula Gemeda oo hayay xilka 2aad ee soo raaca raisal-wasaaraha dalka sababta uu isu-casilay inay ahayd inuu madax kanoqdo dawlada cusub ee dhalan doonta. Waxaanse kaxunahay inaysan dawlada federalka ahi kahadlin xasuuqan maanta dhacay iyo kii hore labadaba oo aan lasheegin inay dad itoobiyaan ah dhinteen. Waxaana wax laga xumaada ah in lasheegi waayo dadkii laxasuuqay ee soomaalida ahaa ilaa hada meesha 21 ruux oo qashin kudumay adhisababa calanka loo dajiyay islamarkaana loo sameeyay baroor-diiq qaran oo 3 cisho ah cid kasta oo soomaali ahna meel kasta oo ay caalamka kajoogto aad ayay uga xun yihiin inay dawlada federalka ahi tacsi iskadaaye ilaa hada way dhinteen xataa ay dhihi waydo.
Sidaadarteed, hadii itoobiyaanimada loo siman yahay oo ay dhab tahay dawlada federalka ah waxaan kacodsanaynaa inay arintan kahadasho.
Hadaba, hadaan nahay shacabka soomaalida itoobiya ee kunool oromiya waxaan kacabanaynaa xaqiraada ay shalay naxaqirtay dawlada federalka ah ee aysan kahadlin xasuuqii awaday iyo mas’uuliyiinta deegaanka oromiya oo diiday inay raali-galin kabixiyaan maadaama oo uu uqorshaysnaa xasuuqa maanta dhacay. Waxaan doonaynaa inaan dawlada federalka ah iyo cid kasta oo ay khusaysaba aan waydiino: maxay tahay sababta 21kii qof ee addisababa uu kudumay qashinku loogu sameeyay baroordiiq, calankana hoos loogu dhigay iyo kuwii xafladii irreechaaga intay rabsheen godka kudaatay ee hadana baroordiiqda loo dhigay?, Dadka nool nool ee oromada ah ee lasheegay inay deegaanka soomaalida kabarakaceen iyagoo bari guryahoodii kunoqon doona qaarna ayba ku noqdeen maxay tahay sababta ay dawlda federalka ahi uwaynaynayso anagoo nala laayay oo hal maalin ah 200 oo qof nalaga dilayna naloo sheegi la’yahay? Maxayse tahay sababta loo sheegi la’yahay waxna looga qaban la’yahay liyuu booliska iyo armaabatanaaga oromada ee awaday nagu laayay, halkana nagu laynaya ee loo sheegayo liyuu booliska soomaalida ee al-shabab iyo argagixisaba dabarjaray?, maxay uga hadli la’yihiin dawlada deegaanka soomaalida, dawlada deegaanka oromada iyo dawlada federalka ahba xasuuqii awaday iyo kan hada kadhacay galbeedka hararge labadaba?, Xaquuqul insaanka itoobiya sawiradii uu horay uga qaatay maydadkii awaday isagoon waxba kaqabanin maxay tahay sababta uu hada maydadka usawiranayo? Maxay tahay sababta looga hadli la’yahay dadkanagii soo barakacay 2008TI ee 50ka kun ahaa balse loo buun buuninayo kuwii shalay ee oromada ahaa? Miyaanaan ahayn dad itoobiyaan ah oo xuquuq siman leh mise iyaga oo kali ah umbaa xuquuq leh?.
Waxaan aad uga xunahay in intii nala xasuuqay hadana nala duudsiiyo. Waxa nalaayay waa liyuu-booliska iyo armaa-batanaaga oromada, deegaanka soomaalida ee naloo aanaynayo wuxuu noo jiraa 400km oo ay oromo is-daba dagan tahay. Waxaana wax aad loola yaabo ah in intay nalaayaan ay hadana nagu been abuurtaan oo ay dhahaan liyuu booliska soomaalida ayaa nasoo weeraray. Waxaase iswaydiin leh, sidee ayay liyuu booliska soomaalidu kutagi karaan badhtamaha oromiya. Madiyaarad bay soo raaceen. Run ahaantii tani waxay fashilinaysaa been abuurkoodii faraha badnaa ee ay sheegayeen.
FARIIN KUSOCOTA HAY’ADAHA XUQUUQUL-INSAANKA, QARAMADA MIDOOBAY IYO CAALAMKA INTIISA KALE
Waxaan kacodsanaynaa guud ahaan hay’adaha caalamiga ah ee dhawra xuquuqul-insaanka, kuwa qaramada midoobay iyo bulshawaynta caalamka inteeda kale inay xasuuqan baadhid kusameeyaan islamarkaana ay cabashadanada hoos u eegaan.
Dhinaca kale, ciidamada difaaca qaranka ee dalka itoobiya iyadoo aan uga mahadcelinayno dadkanaga ay badbaadiyeen hadana waxaan leenahay away awoodiinii nabad ilaalinta ee ugu tayaysnayd afrika ee caalamkana laga wada aqoonsaday islamarakaana la idiinka markhaati kacay iskadaa gudaha dalkee caalamka oo dhan.
Ugudanbayn, waxaan fariin udiraynaa dawlada federalka ah, ciidamada qaranka, shacabka itoobiya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ay khusayso arintan in si degdeg ah nalooga soo gaadho xasuuqa joogtada ah ee nalagu hayo islamarkaana nalaga daayo xaqiraada oo si cad xasuuqa nalagu hayo loo sheego gaar ahaan xasuuqii ba’naa ee maanta nalagu sameeyay idinka oo katusaale qaadanaya natiijadii kadhalatay xasuuqii awaday ee laga hadli waayay ee keentay dhacdooyinkii foosha xumaa ee abuuray dadkii axmaarada ahaa ee ay oromadu kuxasuuqday buna-bedele zone, dadkii tigrayga ahaa iyo kuwii dhabuubka ahaa ee ay laayeen iyo ardaydii jaamacadaha dalka ee ay dileen hadhkoo cad meesha jaamacadihii dalka ay qaarkood gubeen, qaarna ilaa hada ay xidhan yihiin.
Waxaana ugu danbayn aan fariintan udiraynaa dawlada federalka ah dhibka ay ONAG, QEEROO IYO OPDO wadaan hadii wax laga qaban waayo oo lajoojin waayo dadka qomiyada loo laynayo maadaama uu axmaar yahay, maadaama uu soomaali yahay ama maadaama uu dhabuub yahay inuusan nidaamka federalismka ah jiraynin oo ay noqon doonto sidii hutsi iyo tutsi-xasuuqii Rwand oo kale oo qoomiyad qoomiyad la isu layn doono.
By-ODAYAASHA
1. Aw-sharif C/hi
2. Mustaf Mu’min
3. Ayob Adam Aliyo
4. Kadir Ahmed Kedira
DHALINYARADA
1. Omero Adem Keif
2. Sa’id Nasir
iyo turjumaan badan
Xigasho Abdikariin Carab Ibraahin
Comments are closed