Gudoomiyaha Gobolka Jarar Oo Xadhiga Kajaray Xarun Caafimaad Oo Cusub

Birqod (estvlive) 17/12/2017

Guoomiyaha Gobolka Jarar oo ay waheliyaan gudoomiyaha degmada birqod iyo xubno kale oo kasocda xafiiska caafimaadka DDSI ayaa xadhiga kajaray xarun caafimaad oo laga dhisay senterka Huusaale oo katirsan Degmada Birqod ee Gobolka Jarar.

Hadaba, xadhig kajarkan ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay Gudoomiyaha Gobolka Jarar mudane Cabdi Cali Mataan oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xadhiga kajarkan maanta ee ay xadhiga kajareen xarunta caafimaadka ee Huusaale. Wuxuuna xusay in xaruntani ay adeeg siin doonto dhamaan bulshada kunool nawaaxiga senterkan Huusaale islamarkaana ay adeegeedu gaadhi doono bulsho kabadan 25000. Oo ah bulsho xoolo dhaqato ah. Wuxuuna kula dardaarmay bulshada in si fiican ay uga faaiidaystaan oo ay ilaashadaan kuna xidhnaadaan xaruntooda.

Sidookale, Gudoomiyaha Degmada birqod mudane Fu’aad Yuusuf Madoobe oo isna dhankiisa kahadllay ayaa sheegay in xaruntan caafimaadka laga dhisay meel aad u wanaagsan islamarkaana ay bulshadu aad ugu baahnayd xarun caafimaad. Waxuuna tilmamay in uu aad ugu mahadcelinayo xukuumada DDSI.

Dhanka kale, Kooxda taakulaynta caafimaadka ee kasocotay Xafiiska Caafimaadka DDSI oo iyana kahadllay ayaa sheegay in xaruntan caafimaadka loo soo dhamaystiray agabkii, dawooyinkii iyo waliba shaqaalihii caafimaadka ee ka shaqayn lahaa. Waxayna xuseen in bulshada looga baahanayahay in ay ilaashadaan oo ay lashaqeeyaan.

Ugudanbayna, bulshada kunool senterka oo dareenkooda kahadalaya ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin xaruntan cafimaadka ee loo dhisay islamarkaana ay kabaxayaan dhibaatooyinkii kahaysatay dhanka caafimaadka.

Comments are closed