Raysal-wasaaraha JDFI ayaa sheegay inuu xasuuqan uu ku soo aaday xili dhibaatooyinkii ka dhex dhacay shacabka labada deegaan xal nabadgalyo oo waara looga gudbay islamarkaana labada dawlad deegaan iyo xukuumada federalkuba ay shaqooyin muhiim ah kaqabteen nabadaynta labada shacab iyada oo ay xaaladu halkaa marayso ayaa waxaa dhacday in dadkii soomaalida ahaa ee ku noolaa gudaha oromada kuna sugnaa xeryaha booliska deegaanka oromiya la xasuuqay.
Raysil wasaaraha oo dhacdataasi lagu xasuuqay shacabka soomalida ah ka hadlaya waxa uu yidhi” Waxaan idin cadaynayaa in iyadoo ay dawladu dhacdadan cambaaraynayso aan hadana arrintan u aas-aasnay Gudi xoog leh oo dhacdadan soo xaqiijiya,kadib marka ay soo xaqiijiyaana waxaan shacabka u shaacin doona natiijada dhacdan.waxaana marlabaad idiin xaqiijinaynaa in marka natiijada la soosaaro aan talaabo sharci ah kaqaadi doono dadkii falkan foosha xun gaystay”.
Ugu dambayntii Raysil wasaaraha ayaa sheegay in dadka soomaalida ah iyo oromadu yihiin dad walaalo ah oo qarniyo wada noolaa islamarkaana loo baahan yahay sidii ay u soo ceshan lahaayeen nabad ku wada noolaanshihii soo jireenka ahaa ee labada dhinaca iyo daris wanaagii ka dhaxeeyay labada shacab islamarkaana ka fogaadaan ficilada xun xun ee keenaya isku dhaca labada qoomiyadood.
Comments are closed