Xukuumada DDSI Oo Ka Hadashay Xasuuqii Shacabka Soomalida Ah Loogu Gaystay Gudaha Degaanka Oromada

Jigjiga (estvlive) 18/12/2017

In kasta oo ay  warbixinta xaqiiqda  ah ee xasuuqan ay soo saari doonto dawlada dawlada faderalku  ayaa si aan u helo xog dheeraad ah waxaan arintan ka waraysanay xukuumada deegaanka soomaalida itoobiya oo tan iyo intii ay maqashay dhacdadan foosha xun aan hal daqiiqad ah ka fadhiisanin sidii loogu gurman lahaa dadkaas loona badbaadin lahaa shacabka intii hadhay islamarkaana xukuumada federalka ah si isdaba jog ah uga codsanayay in xaqiiqada xasuuqan banaanka la soo dhigo.

haddaba, Waxaana xogta ay xukuumada deegaanku ka hayso arintan aan wax ka waydiinay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal iyo wasiirka xidhiidhka arrimaha dawlada DDSI mudane Idriis Ismaaciil oo noo sheegay inay xukuumada deegaanku maqashay dhacdadan 6dii bishan tahsas 2010TI islamarkiibana ay is xog-waydaarsadeen cid kasta oo ay khusaysay gaar ahaan hay’adaha amniga ee heer federal kadibna ciidamadii ugu dhawaa goobtaas oo u jiray masaafo qiyaas ahaan gaadhaysa 80km inay si degdeg ah ugu dhaqaaqeen siday u badbaadin lahaayeen dadkaas iyada oo ciidanku filayay inay qiyaas ahaan goobtaas ku gaadhaan 2saac ay ka hor yimaadeen caqabado farabadan oo ay ka mid yihiin jidgooyo, Dagaalo iyo in guud ahaanba wadadii la gooyo taas oo ku kaliftay ciidanka inay lugeeyaan kadibna ciidanka ayaa waxay lug kugaleen qabalaha Harorayto halkaas oo ay ku badbaadiyeen 53 qof oo masaajidkii magaaladaas nafta kula cararay kuwaas oo ciidanka u sheegay in 6 qof oo kamid ahaa aysan war u haynin meel lageeyay ciidanka ayaana si uu u badbaadiyo 53dii qof sii ka xeeyay wuxuuna ciidanku goobtuu xasuuqu kadhacay gaadhay 1:00 AM ama saqdii dhexe iyad oo uu ciidanku subaxdii halkaas kahelay wiil dhalinyaro ah oo soomaali ah oo usheegay inuu kamid ahaa 63 qof oo magangalyo ugu sugnaa xeryaha booliska ee oromiya balse uu kabaxsaday kadib markii dadkii xerada kula jiray laynta lagu bilaabay oo uu filayo in guud ahaanba dadkaas la laayay.

Waxay sheegeen masuuliyiinta xukuumada DDSI in  ciidanka qaranka oo ka duulaya xogtaas ay bilaabeen sidii ay u soo celin lahaayeen dadkii fiigay iyo meesha lageeyay maydadka dadkii la’laayay nasiib wanaagse xukuumada DDSI, ciidanka qaranka ee goobtaas ku sugnaa  iyo shacabkii ayaa waxay ku guulaysteen inay helaan godod lagu uus xabaalay dadkii la xasuuqay si aysan cidna u ogaanin.

Sidoo kale, mas’uuliyiintan ayaa noo cadeeyay in 7dii bishan Tahsas ee 2010TI ay goobtii tageen wafti kasocday dawlada federalka ah oo uu hogaaminayay wasiirka wasaarada gaashaan dhiga JDFI mudane Siraaj Fagesa, xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka mudane Getechaw Ambaye, wasiirka wasaarada arrimaha federalka iyo horumarinta xoola dhaqatada JDFI mudane Kabade Jane, komishinka xaquuqul insaanka dalka Dr. Addisu iyo mudane Birhanu oo kasocday xarunta dhexe ee xisbiga OPDO oo watay diyaaradaha qumaatiga ukaca islagalabnimadii maalintaasna way noqdeen kadibna dawlada federalka ah ayaa waxay go’aamisay in dib loo soo qufo xabaalihii si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee dadkii laxasuuqay.

Waxayna mas’uuliyiintu intaa kudareen in 8dii bishan tahsas ay dawladu federalku  u dirtay goobaha xasuuqu ka dhacay gudi farsamo oo ka kooban nurse, dhakhaatiir iyo Warbaahinta dalka oo watay 2 diyaaradood kuwaas oo  bilaabay inay dib u qodaan godkii.

sida ay xogta kuhayso xukuumada deegaanka ee ay noo sheegeen madaxwayne ku xigeenka mudane Cabdixakiin iyo wasiirka xidhiidhka arrimaha dawlada mudane Idiriis waxay gudiga iyo ciidanku soo saareen ilaa hada maydadka 48 qof iyagoo intaa raaciyay inay nolol kuheleen 4 qof oo dhaawac ah walina uu socdo qoditaanka 10kii mayd ee hadhay. Sidoo kale waxay mas’uuliyiintu noo sheegeen in xogaha kasoo gaadhaya goobihii xasuuqa ka dhacay ay sheegayaan in qabalaha Huluqo ee degmada Daru-labo lagu dilay 4 qof,  qabalaha Tamsana lagu dilay 24 qof meesha qabalaha qorati lagu dilay 18 qof.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta ayaa xusay in ciidanka qaranku ay xasuuq dad tiro badan kaga badbaadiyeen goobo kaladuwan oo ay kamid yihiin qabalaha sororo oo ay kubadbaadiyeen 100 qof, degmada daru-labona ay ku badbaadiyeen 300 oo qof meesha qabalaha Wataadarana ay kubadbaadiyeen 300 qof.

mas’uuliyiinta xukuumada deegaanka ayaa sheegeen inay dhacdadani u cadaynayso dawlada federalka ah iyo shacabka itoobiya in barobagandadii iyo eedaymihii lagu sheegayay soomaalida ay yihiin kuwa aan waxba kajirin oo aan sal iyo raadtoona lahayn gaar ahaan goobtu xasuuqu ka dhacay oo aan u dhawayn wax xad ahna aan lalahayn deegaanka soomaalida oo ah badhtamaha oromiya ayaa waxay mas’uuliyiintu kutilmaameen wax lalayaabo in qaar kaimd ah mas’uuliyiinta oromada oo u waramay VOAda ay sheegeen inuu liyuu booliska soomaalidu soo weeraray. Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa ku tilmaamay inay tahay wax laganaxo in intii dad la’laayo hadana la uus-duugo iyagoo intaa kudaray in sababta kadanbaysa xasuuqan ay tahay dadaalo lagu burburinayo nidaamka federalismka, dastuurka dalka iyo nabad kuwad noolaanshihii qoomiyadaha itoobiya waxayna taasi cadayn utahay in intii dad la’laayo oo la uus-duugo hadana been laga sheego.

Ugu danbayn dawlada deegaanka soomaalida itoobiya ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh udiraysaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii dadkii soomaalida ahaa ee dhawaantan lagu xasuuqay deegaanka oromada iyo guud ahaan shacabka dalka iyo kan deegaankaba iyadoo xukuumadu sheegtay inay caawin doonto islamarkaana uga mahad celinaysa dawlada federalka ah iyo hay’adaha amniga dalka dadaalada ay ugu jiraan badbaadinta dadka soomaalida ah ee kudhex nool deegaanka oromada. Gabagabadiina waxay xukuumada deegaanku sheegtay in shacabka soomaalida iyo oromadu ay yihiin dad qarniyo si nabad ah kusoo wada noolaa dhaqan iyo diina wadaaga iyo inaysan dhacdadani matalin labada shacab   dawlada deegaanka soomaalida itoobiyana ay hadh iyo habeenba ka shaqayn doonto nabadgalyada labada shacab.

Comments are closed