Kulan Balaadhan Oo Ay Yeesheen Qaybaha Kaladuwan Ee Shacabka Beesha Jaarso Ee DDSI

Jigjiga (estvlive) 20/12/2017

Kulan balaadhan oo ay yeesheen cuqaasha, waxgaradka, dhalinyarta, qurba-joogta, aqoonyahanka  iyo hooyooyinka beesha jaarso ee DDSI islamarakaana ay kaga tashanayeen danaha beesha jaarso ayaa waxay ugu horayn utacsiyeeyeen dadkii soomaalida ahaa ee sida arxandarada ah xasuuq wadareedka loogu gasytay deegaanka oromada islamrakaana ay gacanta ka xaqdaran dishay. Waxayna beesha intaa ku dareen in dhamaan dadkii ka danbeeyay xasuuq wadareedkan foosha xun la horkeeno sharciga lagana talaabo qaado maadaamo dadkaas shacabka ah lagu dhex xasuuqay badhtamaha deegaanka oromada islamarkaana uu xasuuqani yahay mid ka baxsan goobaha uu khilaafku ka jiro ee xuduudaha labada deegaan.

Ugu danbaya cuqaasha, waxgaradka, dhalinyarta, qurba-joogta, aqoonyahanka  iyo hooyooyinka beesha jaarso ee DDDSI ayaa si guud ooga marakacay horumarka baaxada leh ee ka hanaqaaday guud ahaanba deegaanka, waxayna sidoo kale xuseen inay garab taaganyihiin XDSHSI iyo xukuumada deegaanka islamarkaana ay horumarka deegaanka kaga qaybqaadan doonaan kaalinta ay ku leeyihiin. Iyagoo beeshu intaa kudaray inay siwada jir ah oogasoo wada horjeedsan doonaan cid walba oo lidi ku ah horumarka iyo nabadgalyada ka hanaqaaday guud ahaanba deegaanka.

Comments are closed