Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Kulan Sagootin Ah La Yeeshay Wafti Ka socday putland

Jigjiga (estvlive) 20/12/2017

Waxaana kulankaasi hadhmo sharafeedka ah ee lagu sagootinayay waftigan oo ka dhacay xamda hutel ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (heeryo) oo sheegay in mudadii ay joogeen waftigani ay kulamo aqoon korodhsiya iyo khibrad wadaag ah la yeesheen waaxaha kala duwan ee xafiiska waxbarashada, kuliyadaha deegaanka, jaamacada jigjiga iyo qaarka mid ah dugsiyada waxbarashada deegaanka Islamarkaana  ay heleen mudada ay joogeen aqoon korodhsi iyo khibrad wadaag waxtar wayn u yeelanaya tayada waxbarashada maamulka ay ka socdeen ee putland.

Dhankiisa mudane Axmed Maxamuud Warsame oo hogaaminayay waftigan ka socday maamul goboleedka putland ee dalka soomaliya ayaa ugu horayntii si mug leh ugu mahad celiyay masuuliyiinta iyo shaqaalah xafiiska waxbarashada DDSI sida meeqaam ka sare ah ee loogu soo dhaweeyay deegaanka iyo sida hagar la aanta ah ee ay u siiyeen aqoon korodhsiga iyo khibrad  wadaaga iyo waliba kulanka hadhimo sharafeedka ah ee lagu sagootinayo maanta masuulka yaa ka warbixiyay mudadii ay joogeen deegaanka ee lihii ay booqdeen iyo aqoon korodhsiga ay ka heleen wuxuuna ku amaanay xukuumda DDSI kor u qaadita iyo tayaynta waxbarashada gaar ahaan fidinta waxbarashada reer guuraaga ee deegaanka.

Ugu dambayntii  dadaalka balaadhan  ee ay xukuumada DDSI galisay dhinaca kor u qaadita dayada waxbarashada deegaanka  ayaa ka sokaw deegaanka  waxaa kale oo  suurta galisay in ay sanadihii ugu dambeeyay ay  fursad waxbarasho siiso wadamada aan dariska nahay iyada oo ay wakhti xaadirkan waxka bartaan kuliyadaha kala duwan ee deegaanka iyo jaamacada jigjiga arday fursada waxbarasho ka helay DDSI iyo  JDFI kuwaasi oo ka yimiday wadamada aan dariska nahay gaar ahaan dalka soomaliya.

Comments are closed