Haddaba, Waxaa xaflad soo dhawayn ah oo hadhimo sharafeed ah lagu maamuusayay u sameeyay waftigii DDSI ee ku sugan North America gaar ahaan gobolka Minnesota dhalinyaro ganacsato ka soo jeeda deegaanka somalida itoobiya kuwaasi oo ah dhalinyaro fir-fircoon oo si wayn uga qayb-qaata taageerada xukuumada DDSI iyo JDFI iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed iyo nabadgalyo waxayna dhalinyaradan u samaysay waftigan hadhimo sharafeedku sheegeen in ay waftigan ku soo dhawaynayaan dareen farxadeed islamarkaana garab miisaan culus u yihiin xukuumada DDSI sidoo kalena ku farax san yihiin taabagalinta qorshayaasha horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka suuban ee sida xawliga ah uga hirgalay sanadihii ugu dambeeyay deegaanka.
Dhankooda waftigan DDSI ee loo sameeyay xaflada hadhimo sharafeedka ayaa sheegay in ayaad iyo aad ugu faraxsan yihiin una mahad celinayaan ganacsatadan dhalinyarada ah ee sida xilkasnimada ah u soo dhawaysay waftigan waxayna ka warbixiyeen doorka ay qurba joogtu ku leedahay hirgalinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada iyo maamulka saxarka tiran ee ka hirgalay deegaanka iyo fursadaha maalgashi ee uu deegaanku hodanka ku yahay.
Comments are closed