Israel oo siideysay sadex Turki ah oo ay xireen

Israel (estvlive) 24/12/2017

Maxkamada Israel ayaa siideysay Sadex nin oo kasoo jeeda dalka Turkiga oo ay ciidamada Israel ka qabteen magaalada Qudus.

Sadexdan nin ayaa kamid ahaa muslimiinti Jimcihii banaanbax ka dhigay banaanka Masjidka barakeysan ee Al Aqsa ee magaalada Qudus. Labo kamid ah raggan ayaa heysta dhalashada dalka Belguim.

Booliiska Israel ayaa ku eedeeyey ragan inay gacanta u qaadeen askartooda isla markaana abaabuleen banaanbax amniga khatar ku ahaa, waxaase eedeyntan diiday raggan oo sheegay in askarta Israel ay iyagu awood u adeegsadeen muslimiinta booqaneysay Masjidka. Maxkamada ayaa damiin raggan kusii deysay.

Magaalada Qudus iyo dhulka Falastiin ee la heysto ayaa waxaa weli ka socda banaanbaxyada looga soo horjeedo go’aankii hogaamiyaha Maraykanka Trump soo saaray 6dii bishan isagoo u aqoonsaday Qudus caasimada Israel.

Dalka Turkiga ayaa kamid ah wadamada xiligan hogaanka u haya ololaha ka dhanka ah Israel ee loogu doodayo xaquuqda Falastiin.

Comments are closed