Philippines: In ka badan 200 qof oo ku dhintay Duufaan iyo Dab Suuq weyn qabsaday

Filibiin (estvlive) 24/12/2017

In ka badan 200 qof ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen duufaanta Tembin oo Jimcihii ku dhufatay koonfurta wadankaasi gaar ahaan jasiirada Mindanao.

Duufaantan oo wadatay dabeylo xoogleh iyo roob muddo badan da’ayey ayaa weli raadkeeda laga dareemayaa jasiiradaha koonfureed ee wadankaasi oo qeybo badan go’adoon ku jira.

Dhinaca kale 36 qof ayaa ku dhimatay dab xoogleh oo qabsaday suuq ku yaal magaalada Davao ee koonfurta wadankaasi Filibiin.

Dabkan ayaa gebi ahaan burburiyey Xarun ganacsi ay dukaano badan ku yiileen oo loo yaqaan [NCCC Mall], halkaasi oo uu dabka qabsaday Sabtidii shalay, wuxuuna dabkaasi shidnaa illaa saaka oo Axad ah, taasi oo u diiday inay ciidamada dabdamiska goobtaasi gudaha u galaan.

Dabkaan ayaa kusoo beegmay xili ay dowladaasi la tacaaleyso khasaaraha ka dhashay Duufaanta Tembin oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay burburka baaxadleh ka geystay gobalada koonfureed ee jasiiradaha Filibiin.

Comments are closed