Senator Cabdiraxmaan Faroole oo eedeeyey Wasiirka Dastuurka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka

Garoowe (estvlive) 24/12/2017

Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamad Maxamuud Faroole oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Garowe waxaa uu kaga hadlay arrimo dhowrah .

Mudane. Farooole ayaa ugu horeyn baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalama degaanno hostaga Cagaarre ,wuxuuna codsaday in dhammaan la isu tago si loo joojiyo colaaddaas

Cabdiraxmana Faroole ayaa shirkiisa jaraa’id kaga hadlay faragelin uu sheegay in ay wadaan gudoomiyaha golaha shacabka iyo wasiirka Dastuurka isagoo ku  tilmaamay in ay la wareegeen awoodihii hay’adaha dastuuriga.

…Guddoonka golaha shacabka waxaa ugu baaqayaa fara gelinta haka daayo maamul goboleedyada baarlamaanadooda oo hadba meel ku casuumayo oo faraha ha kala baxo ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Faroole.

Haddii aqalka sare uu dhismay golaha shacabka waxa uu ahaanayaa hal aqal ayuu hadalkiis ku daray Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale Dr.Faroole waxaa uu sheegay in dib u eegistii dastuurka ay soo dhammaatay, isla markaana qodobada qaar ee dastuurka ku jirana ay ahaayeen kuwo la laalay, maadaama aqalka sare iyo dowlad goboleedyada ay sameysmeen, howsha dastuurka ay u xil saaran tahay guddiga madaxa bannaan oo ah cidda qoreysa.

…Caqabadaha socda waxaa ka mid ah in lala dirirayo nidaamka federaalka, waxaa kow ka ah hoggaanka golaha shacabka iyo cida keentay ee magacawday wasiir aan ku habooneyn wasaaradda Dastuurka oo awalba loo heystay dastuurkii KMG shirweynihii dastuurka ee lagu ansixiyay Muqdisho  sanadkii 2012 faraha gelisay oo buuggii wax ka bedeshay, maalmahan shirarka waday, cida la hadashana aysan jirin ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Mudane Cabdiraxmaan Faroole ayaa uu ugu baaqay UNDP in ay joojiso maal gelinta ay ku bixineysa howsha uu wado Wasiir Xoosh, isagoo baaq u diray Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

…Hay’adda UNDP horumar ayay ka shaqeysaa ma haboona inay siyaasad ka shaqeyso, waxaa leenahay ha joojiyeen maal gelinta ay ku wadaan howsha Wasiir Xoosh iyo Jawaari.

Comments are closed