Kulamo gooni gooni ahaa oo maalmahaanba ay Magaalada Jowhar ku lahaayen Madaxda Hirshabeelle iyo Xildhibaanada, ayaa laga soo saaray in cod u qaadista golaha Wasiirada cusub aan lala sugin furitaanka Kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, oo ku beegan 5-ta bisha soo socota ee January.
Kulan shalay ka dhacay magaalada Jowhar oo Madaxweyne Waare la yeeshay xildhibanada ayaa waxaa la iskula gorfeeyay in la ansixiyo xubnaha Golaha Wasiirada, waxaana kulankii shalay xildhibaanada uu kaga dhaadhiciyay meelmarinta Golaha Wasiirada.
Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ka baaqday shirka magaalada Baydhabo uga furmaya guddoomiyayaasha Baarlamaannada maamul gobolleedayada sababo la xiriira kulanka xildhibaannada Hirshabeelle ay maanta ku yeelanayaan Jowhar.
Comments are closed