Wasiirka Caafimaadka Oo Sheegay In Kor Loo Qaaday Tiirarka Adeega Caafimaadka DDSI

Germany (estvlive) 27/12/2017

Wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali  oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahainta deegaanka ayaa sheegay in kor loo qaaday tiirarka siyaasadeed ee adeega caafimaadka deegaanka gaar ahaan dhinaca maamulka iyo qalabaynta cusbitaalada, xarumaha caafimaadka iyo waliba rugaha caafimaadka deegaanka si loo daboolo baahiyaha adeega caafimaadka bulshada.

Wasiirka ayaaa sheegay in si loo hirgaliya ka midho dhalinta siyaasada caafimaadka ay xukuumada DDSI  u magacawday maareeya-yaal dhamaan xarumaha caafimaadka  kuwaasi oo ah dhamaantood hablo ka shaqayntoona taaba galinta adeegyada iyo kor u qaaditaanka nidaamka maamulka xarumaha iyo rugaha caafimaadka wasiirka ayaa sheegay in xafiiska caafimaadka oo kaashanaya xukuumada DDSI uu ku dhaadhiciyay degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka xirfadlayaal caafimaad  oo aad u tiro badan kuwaasi oo loogu talagalay in ay kor u soo qaadaan tayada adeeg bixinta caafimaadka cusbitaalada, xarumaha caafimaadka iyo rugaha caafimaadka deegaanka

Wasiirka oo sii wada hadalkiisa ayaa sheegay in dhinaca kale loo dhamays tiray xarumaha caafimaadka cusbitaalada iyo rugaha caafimaadka dhamaanba qalab yada kala duwan ee adeega caafimaadka oo casriya sidoo kalena la siiyay xirfadlayaasha caafimaadka tababaro kala duwan oo lagu xoojinayo aqoonta xirfadlayaasha caafimaadka taasi oo suurta galisay in guulo waawayn oo wax ku ool ah laga gaadhay kor u qaaditaanka tayada adeega caafimaadka. Wasiirka ayaa intaasi ku daray si looga hortaga cudurada faafa ee ku dhaca bulshada uu xafiiska caafimaadka DDSI sameeyay dadaal xoogan oo kor loogu qaadayo fahan u yeelashada bulshada 16 xidhmood ee siyaasada caafimaadka ee ku salaysan ka hortaga cudurada ku dhaca bulshada

Ugudambayntii, wasiirka ayaa bulshada deegaanka kula dar-daarmay in ay kaalin mug leh ka qaataan taaba galinta siyaasada caafimaadka sidoo kalena ay xirfadlayaasha caafimaadku noqdaan kuwa bixiya adeega caafimaad oo leh naxariis iyo xushmad.

Comments are closed